Shir lagu qaadaa dhigayo
arimaha Soomaaliya oo ka furmay Rooma caasimada wadanka
Talyaaniga
(Rooma.
June 09 , 2009 Ceegaag Online)
Raysal wasaaraha oo ka yaaban waxa shirka ka socda ee meesha
dawladiisu taagan tahay
Waxaa
magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga ka furmay shir ladoonayo
in lagaga hadlo sidii loo caawin lahaa dawlada Soomaaliya
tasoo hada la tacaalasa kooxo ku hoos jira shaati
diimeedka been abuurka ah.
Waxaa shirkan ka soo qayb galay wadamo ka badan kuwii
xiriirka caalamiga ee horay uga arimin jiray xaalada
Soomaaliya iyada oo wadamadan cusub ay shirka keentay kooxa
budhcadbadeeda oo weeraro isdaba joog ah ku haya
maraakiibtooda.
Shirkan
ayaa laga filayn in natiijo fiicani ka soo baxdo hadii ay
wadamadan siinwaayaan gacan bino'aadamnimo dawlada
Soomaaliya iyo shacabkeeda oo hada ku baraa rugay dabinka
kooxo diimeedyada usoo banbaxay ceebeenta diinta Islaamka.
Wadamadan ayaa uun wata arimaha u gaarka ah tasoo mijo
xaabin doonta shirka oo ay doonayaan inay ku maldahaan
dhibaatada ay wadamadan ku shiraya Rooma ku hayaan gayiga
Soomaaliya.
Ilaahada
majiraan cid ka hadashay dhibaatada haysata shacabka
Soomaaliyeed balse shirkii wali wuu socdaa
wixii
warar ah kala soco ceegaag online
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |