Ururka Al-shabaab oo weerar
ismiidaamin ah
kudilay
Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliya Col.Cumar Xaashi Aadan
(Baladwayne.
June 18, 2009 Ceegaag Online)
Madaxweynaha DFKMG oo ka
hadlaya dilka Wasiirka iyo Danjiraha Halkan
ka dhagayso (bbc)
Cumar Xaashi
Cabdikariin Laqanyo
Wararka ka imanaya
magaalada Baladwayne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa
sheegayain saaka 11:26 barqonimo uu nin ka tirsanaa ururka
Al-shabaab ee Soomaaliya uu weerar is miidaamin
ah ku qaaday Hoteelka Madiina oo ku yaalay bariga magaalada
Baladwayne.
Weerarkan ayaa waxaa ku
geeryooday dad aad u badan oo Soomaali ahaa oo ay ku jiraan
masuuliyiin ka tirsanaa Dawlada Federaalka ee Soomaaliya,
Nabadoono, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Dadka ku geeryooday ayaa
waxaa ka mid ahaa ilaahay ha u naxariistee wasiirkii Amniga
Qaranka Col.Cumar Xaashi Adan
iyo Denjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyey
Soomaaliya Cabdikariin Faarax
Laqanyo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |