Xaflad
ballaadhan oo so heer sare ah loo soo agaasimay laguna
xusayay maalinta qaranimada Soomaaliyeed ee 26ka June 1960
ayaa ka dhacday magaalada Edmonton ee dalka Canada.
(Edmonton.
June 26, 2009 Ceegaag Online)
Xafladdaas oo ay si wadajir ah u soo
qabanqaabiyeen ururada SCERDO, ASCC iyo ASAAS ayaa lagu soo
bandhigay taariikhdii loo soo maray halgankii gobanimo
doonka Soomaaliyeed gaar ahaan taariikhdii Daraawiishta,
Axmed Guray, SYL, SNL, USP, dagaalkii Soomaali galbeed ee
Itoobiya lala galay kacaankii 21, Octoober, burburkii iyo
jabhadihii dalka ka kacay dhibaatadii ay gaysteen.
Waxaa madasha xafladda lagu soo
bandhigay Film laga sameeyay taariikhda Soomaalida oo ka soo
bilaabmay sanadkii 1903 illaa 2000kii. Xafladdaas oo uu
daadihinayay Abwaan Ciise Xaaji Ismaaciil, oo ku xeel dheer
cilmiga suugaanta Soomaalida ayaa waxaa markii hore hadallo
isugu jira soo dhawayn iyo hambalyo ka jeediyay isagoo ku
hadlaya magaca 3da urur ee soo qabanqaabiyay xafladda
Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo ah guddoomiyaha hay’adda
SCERDO isagoo u mahadceliyay dadwaynihii ka soo qayb galay
xafladaas isla markaasna kula dardaarmay dadwaynihii ka soo
qayb galay in ay joogteeyaan xafladdan waayo ayuu yidhi waa
maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay dhulka Soomaaliya,
balse in dhawayd laska illaaway iyadoo lagu baddalay
munaasibado lagu dhisay caaddifad qabiil iyo gobolaysi taas
oo wiiqday sumcaddii iyo jiritaankii qaranimada Soomaaliyeed.
Waxaa isna halkaas hadallo duco iyo
waano ah ka soo jeediyay Shiikha magaalada Edmonton sheikh
Cismaan oo isna aad ugu dheeraaday muhiimadda midnimada iyo
wadajirku leedahay. Waxaa ku xigsaday Dr. Maxamed faarax oo
ah aqoonyahan ku xeeldheer taariikhda Soomaaliya kana soo
sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray
halgankii gobonimadoonka Soomaaliyeed. Waxaa isna goobtaas
ka hadlay Dr. Cali daahir oo ah professor wax ka dhiga
jaamacadda Alberta University isagoo aad ugu dheeraaday
muhiimadda ay leedahay munaasibaddani iyo sida
aqoonyahannadii, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii Soomaaliyeed
uga jibinkeeneen xorriyaddii Soomaaliya oo uu sheegay in
aysan ku iman dhayal, balse dhiig badan loo daadiyay.
Dr Maxamed Jimcaale oo ah guddoomiyaha
ururka ASAAS ayaa isna ka hadlay xafladdaas kuna dheeraaday
sidii dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed uga
qaybqaateen halgankii hubaysnaa eel ala galay gumastayaashii
Ingiriiska, Talyaaniga, faransiiska iyo Xabashida. Jimcaale
ayaa ugu baaqay shacabka reer Edmonton in ay midoobaan kana
shaqeeyaan badbaadinta carruurtooda kuna barbaariyaan
dhaqankooda iyo diintooda. Duuliye sare Maxamed Axmed Xirsi
(Cawil) isla markaana ah guddoomiyaha guddiga odayaasha ee
jahliyadda Edmonton ayaa isna halkaas ka soo jeediyay
khudbad aad loogu riyaaqay oo taabanaysa urururadii,
culumadii, isimadii iyo shakhsiyaadkii u soo halgamay
xorriyadda Soomaaliya gaar ahaan gobollada waqooyi.
Cawil ayaa sidoo kale halkaas ka
qaaday gabayo iyoheeso wadani ah oo dadkii xafladda isugu
yimi aad u qiiro iyo xamaasad galiay iyadoo aad arkaysay in
dadka qaarkii ilmaynayeen gaar ahaan markii uu qaaday
gabaygii caanka ahaa ee uu tiriyay alla hau naxariistee
Cabdillaahi Suldaan Tima-caddee ee KANNA SIIB KAANA SAAR.
Ugu danbayn waxaa xafladdii soo gabagabeeyay guddoomiyaha
ururka ASCC Jaamac Nuur una mahadceliyay dadkii xafladda ka
soo qaybgalay kuna dardaarmay in ay ka soo qayb galaan
xafladda 1da Luuliyo oo iyana la qaban doono maalinta
Arbacada taas oo iyana si wayn loo soo abaabulidoono.
Daawo Sawirada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |