Xildhibaan/Marxuum
Maxamed Xuseen Caddow oo lagu dilay waqooyiga magaalada
Muqdisho
(Muqdisho.
June 19, 2009 Ceegaag Online)
Dagaalo culculus ayaa ka soconaya
magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, dagaaladan oo u
dhexeeya kooxaha Alshabaab/Xisbul Islaam iyo dawlada
federaalka ee Soomaaliya.
Dagaaladan ayaa waxaa ka bara
kacaya dad aad u badan oo deganaa waqooyiga magaalada
Muqdisho, halka dawladu ilaa hada ku guulaysan la'dahay inay
u xoog sheegato kooxa ka soo hor jeeda oo iyagu diidan haba
yaraatee in dawladi ka dhalato Soomaaliya.
Dhinaca kale warar iska soo daba
dhacaya oo is burinaya sheegaya in Xildhibaankii labaad
kooxaha Al-shabaab ku dileen magaalada Muqdisho iyaga oo
horay u dilay xildhibaan ka tirsanaa Dawlada Midnimo Qaran,
balse waxaa la sheegayaa in xabad cid soo riday aan la
garanayn xildhibaanka ku dhacday iyada oo ay dhici karto in
dad diidan nabada Soomaaliya meel qarsoodi ah ka soo
toogteen Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cadow.
Maalintii shalaytana ay is
miidaamin uga takhaluseen wasiirkii ugu awooda waynaa galaha
wasiirada Soomaaliya.
Kooxaha Al-shabaab ayaa laga
filayaa inay gacanta ku dhigaan magaalooyinka Garoowe iyo
Hargaysa hadii ay ku guulaystaan riditaanka dawlada midnimo
Qaran ee Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |