Madaxwayne Sheekh Shariif oo ka degay Bijunbuura caasimada
Burundi.
(Bujunbuura. March
11, 2009 Ceegaag Online)
Madaxwaynaha dawlada kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh
Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kadegay
xalay fiidkii magaalo madaxda wadanka Burundi ee Bujunbuura.
Madaxwaynaha ayaa ku booqday Isbataalka lagu daaweenayo
Askardii reer burundi ee lagu weeraray Muqdisho isaga oo uga
tacsiyadeeyay dhibkaa kasoo gaadhay nabadaynta Soomaaliya.
Madaxwaynaha ayaa lafilayaa inuu mahad caliyo reer Burundi
tageerada ay u fidiyeen shacabka reer Soomaaliya, warar ay
isla dhexmarayaan dadka madaxwaynaha u dhaw dhaw ayaa
sheegaya inuu madaxwaynuhu ka codsan doono inay Burundi
ciidamadeeda ka soo daad gureesato Soomaaliya.
Galaha
wasiirada ayaa shalay ansixiyay ku dhaqanka shareecada
Islaamka, madaxwaynuhuna wuxuu dalka ka saarayaa ciidamada
nabd ilaalinta u joogay si loo raali galiyo kooxaha diidan
Dawladan oo iyagu hoosta kala socda una eeg in ay iyaga iyo
dawladu wax wada doonayaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |