Qurba Joogta
reer Waamo ee asal ahaan ka soo jeeda SSC oo dhisme
magaalo cusub ka bilaabay Kooyaame Kundeeqa.
(Kooyaame
kundeeqa, G. Jubada Hoose. March 07, 2009 Ceegaag Online)
Wararka
nagasoo gaadhaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose
ayaa sheegaya in ay 30 Wiil oo reer waamood ah asal ahaana
ka soo jeeda SSC ay magaalo 42 Km ka xigta Kismaayo Xuduuda
Raaskaambooni ka bilaabeen dhismo magaalo casri ah oo ay ugu
talo galeen in ay u xagaa saaraan Caruurtooda ku cabudhantay
wadamada Dibada.
Magaaladan
ayaa waxaa kale oo loogu talo galay in ay kusoo guryo
noqdaan dadkii reer Kismaayoodka ahaa oo hada ku
baylahoofsan Xero qaxootiyaadka Kiiniya. iyadoo magaaladan
cusub durdaba laga bilaabay dhismaha iyo Dhul qaybinta
taasoo loo sameeyay dad iyagu diyaar la'ah inay lacagtooda
adag ku maal galiyaan Kooyaame kundeeqa.
Waxaa noo
suuro gashay inaanu waraysi la yeelano Gudoomiyaha Gudiga
Taakulaynta ee dibada ka dhisan Xasan Boqow. Anagoo
waydiinay meesha ay hawshoodu maraso waraysigiina waxa uu u
dhacay sidatan ee dhagaysi wanagsan
Dhagayso.
Xasan Boqow
Waxaa durdaba bilowday dadka
daneenaya ee doonaya inay la bilowdaan degitaanka magaaladan
cusub oo mustaqbalka dhaw la filayo inaanu caruurtayada uga
xagaa saarno wadankan Mareekanka waana tan qaar ka
mida dhalinyarada haatan u tafa xatay ka dhabaynta hamigooda
ay in badan ku taamayeen oo dhex mushaaxaya Kooyaame
Kundeeqa Daawasha wacan.
Daawo Sawirada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |