Cabdillaahi
Kongo “ waa qayrul dastuur in madaxwayne wali kursiga ku
fadhiya la maxkamadeeyo”
(Sudan. March 04, 2009 Ceegaag Online)
Cabdillaahi Kongo oo ah siyaasi
Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay wasaaraddii
arrimaha dibadda ee Soomaaliya muddo ka badan 30 sannadoodna
ahaa safiir meelo kala duwan Soomaaliya u fadhiyay gaar
ahaan muddo dheer wakiil Soomaaliya uga ahaa Jaamacadda
Carabta ee fadhigeedu yahay dalka Masar ayaa maanta si kulul
u weeraray siyaasadda reer galbeedka ee ka danbaysa danbiga
lagu soo oogay madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Albashir.
Cabdillaahi Kongo oo u warramayay idaacadda BBCda ayaa ku
tilmaamay seemanka loo keenay madaxwaynaha mid sharafdhac
iyo karaamo darro ku ah dhammaan waddamada Africa,
Carabta, Muslinka iyo waddamada dhexdhexaadka ah.
Cabdillaahi Kongo oo wax badan ka
yaqaan culuunta sharciga iyo xeerarka caalamiga ah ayaa ku
tilmaamay tallaabadaas ay qaadday maxkamadda adduunku mid la
doonayo in lagu dumiyo horumarka ay gaadhay Suudaan iyo in
layska horkeeno dadka walaalaha ah ee reer Suudaan.
Cabdillaahi Kongo ayaa ka digay in haddii ay tani u hirgasho
reer galbeedka in ay dhaxalsiinayso waddamada xorta ah ee
Afrika iyo dunida saddexaad oo dhanba cawaaqibxumo iyo
gumaysi cusub.
Dhinaca kale banaanbax wayn oo ay ka
qayb galeen boqollaal kun oo Reer Suudaan ah lagagana soo
horjeedo seemanka loo keenay madaxwaynahooda ayaa ka dhacay
magaalada Khartuum iyo magaalooyinka waawayn ee dalkaasi.
Dadka ayaa ku muujiyay bannaanbaxaas
sida ay uga xunyihiin dacwaddas been abuurka ah ee lagu soo
oogay hoggaamiyahooda isla markaana ku muujinayay
taageerada ay u hayaan Madaxwayne Cumar Xasan Albashir.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |