Urur
Haweeneedka Isjecel iyo Hayscabudhin ee reer Boston oo
Xaflad aad u balaadhan u sameeyay Xildhibaan Faadumo
Daahir Aadan
(Boston. March 01, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa habeenkii xalay ahaa ka
dhacay aqalka xafladaha ee magaalada Jamaica Plain ee
gobalkan Massachusetts xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka
wada qayb qaateen labada urur Haween ee ka dhisan magaalada
Boston.
Labadan urur oo lagu kala
magacaabo Isjecel iyo Stress-out (Hays Cabudhin) ayaa siwada
jir ah ugu soo dhaweeyay Xildhibaan Faadumo Daahir Aadan oo
kamida xildhibaanada dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyadoo
booqsho ku timid magaalada Boston ee caasimada gobolkan
Massachustes.
Xildhibaan Faadumo oo lasoo
xidhiidhtay Ceegaag Online ayaa u mahad celinasa dhamaan
dadwaynaha Soomaaliyeed ee reer Boston iyadoo xasuusinasa in
looga baahan yahay inay dalkooda Soomaaliya u hiiliyaan
iyada oo tidhi 'dalkeenii Hooyo wuxuu soo gaadhay isgoys uu
ku Gawracmayo oo uu Kharidada aduunka uga baxayo ama aynu ku
dabo qaban karno' waa hadalka sida ay udhigtay e.
Xildhibaan Faadumo ayaa lafilayaa
Maanta inay reer Boston kala qayb qaadato Dabaaldage ay ku
taageerayaan Xukuumada Soomaaliya oo ka dhici doonta Qalka
Shirarka ee Toobin.
Dadwaynaha reer Boston ayaa nasiib
u yeeshay inay maanta haystaan oo ay la joogto xildhibaan ka
mida xildhibaanada ugu miisaanka wayn xildhibaanada
Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |