Axmed Walad
Cabdala oo dunida u sheegay inay lagamaarmaan maanta tahay
in la taageero dawlada Soomaaliya
(Nayroobi,
Kenya.
March 13, 2009 Ceegaag Online)
Ergayga gaarka ah ee
Qaramada Midaway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amedou
Ould-Abdalla ayaa ugu hambalyeeyey xukuumada cusub ee
Soomaaliya talaabooyinkii horumarka lahaa ee ay gaartay
bishii la soo dhaafay, wuxuuna ku guubaabiyey xukuumada inay
ku sii socoto wadada lagu gaarayo nabadda iyo xasiloonida.
“Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka baarlamaanka
iyo Ra’isal wasaaruhuba waxay ka muujiyeen dhamaan
dhinacyada oo dhan hogaamin mas’uuliyadi ay ku dheehan tahay
. xukuumada midnimada qaran lehna hadda waxay hadda ku
howlgalaysaa caasimada halkaasoo ay ku shaqeynayso” ayuu
yiri Ahmedou Ould-Abdalla. “Waxaan ku faraxsanahay xubnaha
baarlaamka ee wadaniyiinta ah kuwaasoo ku noqday Moqdishu si
ay halkaasi shaqadooda uga sii wadataan, labada qeybood ee
maamulkuba waxay ubaahan yihiin kaalmo la taaban karo
diplomacyadeed iyo mid maadi ah.
“Golaha wasiirada waxay kulmeen dhowr jeer waxayna isku
raaceen talaabooyin muhiim ah oo ay ka mid tahay hirgelinta
shareecada Islaamka.
“Dhamaan arrimahan soo kordhay oo dhan ma ahan oo keliya
kuwa un waxka geysanaayo u dhaqaaaqida dhinaca nabad ku soo
celinta wadanka gudihiisa ah, laakiin waxaa kale oo ay gacan
ka geysanayaan soo celinta magaca iyo muuqaalka ummadda
Soomaaliyeed ee dibadda. Waqtigan hadda la taagan yahay,
gebihaanba ma jirto wax cudurdaar ah ee u ogolaanaya ruux
kasta oo Soomaali ah inuu sii wado shirqoolka lagu
burburinaayo nolosha dad Soomaaliyeed oo hor leh”.
OULD-ABDALLA wuxuu sheegay inuu hadda socda qorshe lagu
qabanaayo shirkii labaad ee guddiga arrimaha heerka sare
kaasoo shaqadiisu ay tahay inuu hoos u eego iskaashiga
siyaasadeed, cadaalada iyo dib u heshiisiinta waxaa kale oo
uu sheegay in waqti dhow laqab doono shir uu yeelan doono
guddiga wadajirka arrimaha nabadgelyada .
“Waxaan ku faraxsanahay inaan arko in Soomaalida intee badan
oo isla jirta oo wada shaqeynaysa markii ugu horeysay mudo
badan kana shaqeynaysa ariimo muhiim u ah mustaqbalkooda”.
Ayii yiri OULD-ABDALLA. “Bulshada caalamku, waa in ay
dhinaceeda gudataa waajibaadkeeda si buuxdana u taageertaa
xukuumada cusub. Kaalmadan aan ka hadlayo maahan mid
mustaqbalka ee waa mid hadda loo baahan yahay. Ma jirto
wado kale oo aan ahayn in la taageero maamulkan loona
mariyaa isaga kaalmada dadkeeda ku socota.
“ Madaxweyne Axmed wuxuu kaalmo balanqaadyo ah ka helay
Afrika, Bariga dhexe, Yurub, Mareykanka iyo meelo kale
waana talaabo aad geesinimo gelibteeda u leh. Soomaaliya
hadda si buuxda ay dib ugu soo noqotay ajanada bulshada
cxaalamka waxaana arinteeda ka hadli doona Golaha Amaanka 20
Maarso sidoo kalena waxaa looga hadli doonaa kulan
madaxeedka soo socda ee wadamada Carabta laguna qaban doono
QADAR”.
Wixii war dheeraad ah fadlan la xiriir:Public Information
Officors, UN Poilitical Office forSomalia (Nairobi, Kenya).
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |