Dawlada uu
horkacayo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa
shaqadeedii ka bilowday Magaalo madaxda Muqdisho.
(Muqdisho, March
01, 2009 Ceegaag Online)
Dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee uu
raysalwasaaraha ka yahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
ayaa shaqadeedii si rasmi ah uga bilowday magaalo madaxda
Soomaaliya ee Muqdisho.
Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay isgu yimid Gole
wasiiradoodkoodii ugu horeeyay iyadoo laysla qaadaa dhigay
sidii loo sugi lahaa amaanka Koonfurta Soomaaliya siiba kan
caasimada, iyadoo carabka lagu adkeenayay in wadahadalo ay
dawladu ku dhameeso dhamaan khilaafaadka jira.
Sidoo kale Raysalwasaare Cumar C/rashiid ayaa ku booriyay
xubnaha golaha wasiiradiisa inay dardar galiyaan qiimaynta
burburka Gaadhay Wadanka lagasoo bilaabo sanadkii 1988 dii.
Rasalwasaaraha iyo qaarkamida Golihiisa wasiirada ayaa
durdaba bilaabay inay qiimayn ku sameeyaan burburka ay dalka
gaadhsiiyeen Jabhadihii sida arxan darada ah u barakiciyay,
u xasuuqay shacabka reer Muqdisho.
Kooxahaas oo wali intii u danbeesay iyagoo shaati diimeed ku
hoos jira wali xasuuq la dabo taagan shacabka Soomaaliyeed
siiba kuwa reer koonfureenka.
Raysalwasaarahan dada yar ee haysta taageerada caalamka iyo
tan madaxwaybaha Soomaaliya ayaa lagayaabaa inuu ku
guulaysto inuu biloobo dib u dhiska wadankeenii hooyo oo
haatan soogaadhay isgoysii Isgowraca ama Isbadbaadinta.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |