Burundi oo
Ciidamo kale oo nabad ilaaliyayaal ah u soo dirtay
Soomaaliya Ciidamadii
(Muqdisho. March 04, 2009 Ceegaag Online)
Ciidamo cusub oo ka socda dalka Burundi
ayaa lagu kordhiyay ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan,
iyadoo talaabadan ay kusoo beegmaysaa xili qaraxyo
ismiidaamin ah lala beegsaday todobaadkii tagay ciidanka
Burundi.
Diyaarad nooca milateriga ah oo wada ciidamo gaaraya
500-askari ayaa maanta [Mar 03] soo cago-dhigatay garoonka
diyaaradaha ee Muqdisho, sid ay Radio Garowe u sheegeen
saraakii ka tirsan maamulka Adan Adde International Airport.
Xukuumada Burundi ayaa dhawaan sheegtay inay ciidamo xoojin
ah u soo dirayso Muqdisho, kuwaasoo qayb ka qaadanaya
howlaha nabad-ilaalineed ee Somalia, iyadoo saraakiisha
AMISOM ay dhawaan sheegeen inay isdifaacayaan.
"Ciidamadu waxay wateen hubka fudud, ma jirto wax qalab ah
oo ay diyaarada saarnaa, waxaana hakad la geliyay howlaha
garoonka intii ay ciidamadu dagayeen" ayuu yiri mas'uul ka
tirsan saraakiisha garoonka Muqdisho oo magaciisa qariyay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |