Hya’adda SCERDO oo Tababar socona muddo sannad ah u
bilaabay dhallinyarada da’da yare ee Soomaaliyeed ee ku
nool magaalada Edmonton ee gobolka Alberta waddanka
Canada.
(Edmonton, Alberta.
March 16, 2009 Ceegaag Online)
Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda waxbarashada iyo
hurumarinta reer miyiga ee SCERDO bishan March 14, 2009.
Xafaladdan oo isugu jirtay seminars,
casharro ku saabsan asluubta wanaagsan iyo dhawrista
sharciga ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, khubaro
si gaar ah ugu takhakhusay cilmiga dhallinyarada,
dhallinyaro aad u farabadan oo isugu jira ajinabi iyo
Soomaali iyo dadwaynaha ku nool magaalada Edmonton qaar ka
mid ah.
Ugu horrayn waxaa xaladdaas furay
guddoomiyaha hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali isagoo u
mahadceliyay dadkii ka soo qaybgalay xafladda isla markaana
u jeediyay hadal dardaran ah dhallinyarada loo furay
tababarka isagoo ku adkeeyay in ay ka faaiidaystaan
fursaddan qaaliga ah ee ay haystaan si joogta ahna uga soo
qaybgalaan tababarka la siinayo.
Xafladdii iyo seminaarkii ka dib waxaa
dhallinyarada loo sameeyay xaflad gaar ah oo ay ku arkayeen
fannaanka da’da yare e K’naan Warsame kaas oo ay ku booqdeen
xaruntii uu ka deganaa magaalada Edmonton. Guddomiyaha
Hayadda SCERDO ayaa guddoonsiiyay K’naan Warsame billad
(trophy) ku saabsan nabadgalyada iyo ku wacyigalinta
dhallinyarada Soomaaliyeed nabadkusoo dabbaalidda dalkoodii
hooyo taas oo uu K’naan ku mutaystay billaddan iyo kuwo hore
oo laga guddoonsiiyay meelo badan oo adduunka ka mid ah.
“aad ayaan ugu faraxsanahay in aan guddoomo billaddan waana
billaddii iigu horraysay ee dadkaygu igu sharfay” ayuu yidhi
K’naan oo wajigiisa ay ka muuqatay farxad iyo hilowshiinyo
Soomaalinnimo.
“ Waxaan ballanqaadayaa in aanan
illaawin dalkaygii hooyo kuna dadaalo in aan intii
karaankayga ahna ku taakuleeyo maalkayga iyo magacaygaba”
ayuu sii raaciyay K’naan Warsame. Waxaa xafladdaas ka soo
qaybgalay masuuliyiin kakala socda qaybaha kala duwan
dawladda Kanada iyo warbaahinta.
Daawo Sawiro Kale oo Badan
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |