Soomaali
Galbeed oo soo eegasa reer Soomaaliya tageero Hiil iyo
Hoobale ka filasa Qurba Joogta Soomaaliyeed
(Somalia
Galbeed. March 06, 2009 Ceegaag Online)
Soomaali
Galbeed oo soo eegasa reer Soomaaliya tageero Hiil iyo
Hoobale ka filasa Qurba Joogta Soomaaliyeed balse aan wax
rajo ah ka qabin dadka ku dhaqan Maamulada Somaliland iyo
Puntland oo u dhago nuglaaday rabitaanka iyo Gumaynta
Qawmiyada ku hadasha Afka Soomaaliga.
Daawo
Halgamayaasha Xornimo u dirirka Soomaali Galbeed
http://www.youtube.com/watch?v=Rq3lUK3PIU0
ONLF ayaa sheegatay inay dileen 24
askari oo ciidamada Itoobiyaan ah kuwa intaa ka badana ay
ku dhaawaceen, ka dib markii dagaal culus ay kula galeen
ciidamda Itoobiyaanka ah degaanka Dhagaxbuur oo
katirsan Soomaali Galbeed.
Xoghayaha warfafinta ee ONLF ayaa u sheegay saxaafada in
dagaalku uu bilowday 4tii febraury deeganka Dhagaxbuur
islamarkaan uu weli dagaalka ka socdo Soomaali Galbeed
deegano ka mid ah.
Ilaa iyo haatan dowlada ay hogaaminayaan Qawmiyada Tigreega
ee haatan ka arimisa Adis Ababa waxa hadal kama aysan dhihin
sheegashada ONLF ee la xiriirta qasaaraha ay gaarsiiyeen
ciidamada Itoobiya, dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya
iyo jabhada ONLF wuxuu socday labadii todobaad e la soo
dhafay taasoo uu khasaaro aad u wayn uu soo gaaray Reer
Itoobiya Guushuna ay Raacaso Reer Soomaaliya siiba kuwa
Soomaali galbeed.
Bishii june ayaa hay'ada fadhigeedu yahay magaalada New York
ee Human Rights Watch waxa ay Itoobiya ku eedeysay inay
gubtay tuulooyin dhowr ah oo ku yaala Soomaali Galbeed,
islamarkaan ay leynayaan shacabka, haweenka kufsanayaan.
Hadaba Reer Soomaali galbeed ayaa
soo eegaya reer Soomaaliya oo taageero ka sugaya iyada oo
aanay wax taageero ah ka sugay Maamulada Puntland iyo
Soamaliland oo iyagu kabaha u qaada Dawlada Itoobiya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |