Q.M. oo sheegtay in
Afduubka Burcad badeednimo hoos u dhacay Halka Madaxweyne
Qadaafi Sheegay in Burcad badeedu Xaq ku Taaganyihiin.
(New York.
May 30 , 2009 Ceegaag Online)
Madaxweynaha dalka Libiya Mucamar Al-qadaafi oo ka
qeybgalaayay shir ay lahaayeen madaxda dalalka ku bahoobay
Saaxil iyo saxaraha ayaa si buuxda u difaacay kooxaha Burcad
badeeda Soomalida ah, wuxuuna sheegay inay yihii rag u
dagaalamaya inay difaacaan Kheyraadkooda.
Qadaafi oo hadal dheer ka jeediyay shirkaasi oo ka dhacay
Dalka Libya
ee magaalada Sirta, ayaa si weyn uu difaacay falalka ay
afduubayaasha maraakiibta Soomaaliya ay ka wadaan xeebaha
dalka Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, wuxuuna ku tilmaamay
inay yihiin kooxo sharci ah.
Mucamar Al-qadaafi ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha
Soomaalida ee afduubka ka gaysanaya xeebaha Soomaaliya ay
yihiin dad baahan oo difaacanaya xuquuqdooda dhinaca
khayradka badda, wuxuuna u muujiyay inuu yahay ruux
taageersan falkaasi ay wadaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |