Faahfaahin ka soo baxaysa
Qarax Qorshaysan oo lala beegtay Ciidamadda Dawladda
Soomaaliya.
(Muqdisho. May
24, 2009 Ceegaag Online)
Qarax si
wayn u gilgilay Gudaha Magaaladda Muqdisho ayaa maanta waxaa
lagu weeraray Xero ciidan oo ku taala Degmadda Xamar jajab
gaar ahaan Iskool Boolisiya iyadoo Xeradan lagu Magacaabo "Haama
Dhawr" waxaana Qaraxu ahaa Fal isqarxin ah oo loo adeegsaday
Gaari noocisu ahaa Roneyd kasi oo laga soo buuxiyay
Waxyaabaha Qarxa.
Qof goob
jooga ah ayaa Warfidiyeenadda u sheegay in Gaariga Qaraxa
fuliyay ee laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu saaka Dhawr
jeer soo maray Goobta.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dawladda ayaa sheegay
in"Gaariga uu si xawli ah ku soo maray Wadada waxaana uu sii
jiiray Laba askari oo ka tirsan xeradda kuwaasi oo aan wadan
wax qoryo ah balse askari kale oo ka tirsan ciidamadda ayaa
isna amar ku siiyay Gaariga inuu Istaago kaasi o qori watay
balse gaarigi Socdaalkii aya uu sii watay Aakhirutaankiina
waxaa uu gudaha u galay Xeradda Ciidanka halkaasi oo ku
qarxay iyadoo sidoo kaleto wararkale oo soo baxaya ay
tibaaxayaan in sarakiil kale oo ka tirsan dawladda somalia
shegayaan in Gaarigu so dhaafay saddex bar-Control(Check
Point).
Warar
iskhilaafsan oo ka so baxaya Qaraxaasi ismiidaaminta ah ayaa
sheegaya in 9-Qof ku dhinteen qaraxa halka 5-ka mida
dadkaasi geeriyooday ay Yihin askar ka tirsan Dawladda
somalia balse saraakil ka tirsan dawladda ayaa
warfidiyeenadda u sheegay inay dhinteen 7-qof oo hal askari
ku jiro.
Saxafiyiin reer Muqdisho ah oo booqday xarunta ayaa tibaaxay
inXubno ka haray ninka Qaraxa fuliyay in uu ahaa Nin Madow
oo Saalaxyo leh oo jir xoogan leh Baabuurku ku qarxay
Bartamaha Xeradda gaar ahaan Meel 20 Miter u jirta Xafiiska
Taliyaha Ciidamada Xeradaasi ku xaraysan.
Isku so
wadda duubo qaraxyadan beryihii ugu dambeeyay ka dhacayay
magaaladda Muqdisho ayaa noqonaya kuwo ku qotoma falal
argagixiso iyadoo dhawr qarax ooh ore oo ka dhacay koonfurta
Soomaaliya ahaayen dad naftood hurayaal ah oo isa soo
biimeyay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |