Hay’adda SCERDO oo soo
gabagabaysay dood cilmiyeed ku saabsan dhibaatada
shaqo’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed eek u nool
magaalada Edmonton ee Canada.(Sawiro)
(Edmonton.
May 12, 2009 Ceegaag Online)
Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabisay
hay’adda SCERDO oo ku saabasan shaqao l’aanta haysata
dhallinyarada ku nool magaalada Edmonton ayaa lagu qabtay
hoolka shiararka ee Beacon Community League eek u yaal
magaalada Edmonton.
Doodcilmiyeedkaas oo ay ka soo
qaybgaleen waalidiinta , dhallinyarda iyo khubaro loo xulay
in ay ka soo baaraandegaan dhibaatadaas haysata
dhallinyarada kuna xeel dheer cilmiga shaqo qorista ayaa
waxaa ugu horrayntii shirkaasi furay guddoomiyaha guddiga
fulinta ee hay’adda SCERDO Bashir Haji Ali (Jamaal) isagoo u
mahadceliayay khubaradii iyo dadwaynihii ka soo qaybgashay
doodddan kuna boorriyay in ay joogteeyaan kulamada iyo
doodcilmiyeedyada noocan oo kale ah si buu yidhi looga baxo
caqabadaha ka haysta dhallinyarada xagga shaqo qorista .
Khaalid Saalax Maxamed Lacle oo ah
khabiir ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha iyo maamulka isla
markaana hay’adda SCERDO u xilsaartay fulinta mashruucan
ayaa ku soo bandhigay goobtii siminarka lagu qabtay daraasad
ku saabsan qaabka loo xulo shaqo qorista dhallinyarada
Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha gaar ahaan Canada. Khaalid
ayaa ku soo bandhigay siminarkaas aqooniswaydaariska sida
hay’adaha shaqaqoristu ula dhaqmaan dadka qaxootiga ah eek u
nool Canada iyagoo qofka ku shaqaalaysiiya midabkiisa iyo
magiciisa balse aan ku shaqaalaysiin aqoontiisa iyo
waayaaragnimadiisa.
Dooddaas oo ahayd mid xiiso badan
laguna soo bandhigay xeeladaha lagaga gudbikaro caddaalad
darada lagu sameeyo dhallinyarada qaxootiga ah gaar ahaan
dhallinta leh suuradda dadka madow ayaa ku soo gabagabowday
jawi aad u sarreeye dadkii ka soo qaybgalayna galisay
yididiilo horleh. Waxaa ugu danbayntii mahadnaq u soo
jeediyay dadkii ka soo qaybgalay siminaarka haweenay ka
socotay wasaradda shaqada ee dawladda Federaalka Canada oo
lagu magacaabo Clara Colella iyadoo ballanqaadday in ay u
gudbindoonto waxyaabihii lagu lafaguray dooddan
wasaaraddeeda si deg deg ahna wax looga qaban doono
dhibaatada dhallinyarad Soomaaliyeed ka haysata xagga shaqo
qorista.
Daawo Sawirada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |