Ardayda Dugsiga Hoose dhexe
ee Shiikh bashiir Oo Mudaharaad ka Dhigay Magaaladda
Hargaysa
(Hargaysa.
May 06, 2009 Ceegaag Online)
Banaanbax lagaga soo horjeedo iibsashada dhulka ee dugsiga
Sheekhba Shiir oo ka dhacay Hargaysa
Mudaharaad balaara ayaa Ardayda
Dugsiga Hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir oo ku yaala badhtamaha
magaalada Hargeysa ayaa gadood ka sameeyey markii ay maqleen
in dugsigooda ay dawladu ka iibinayso niman ganacsato ah,
isla markaana waxay cadhadaa ku muujiyeen banaan bax socod
ah oo ay ku mareen wadada halbawlaha ah ee magaalada
Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.
Mudaharaadkan ay Dhigayeen Ardayda Dugsiga Hoose dhexe ee
Sheekh bashiir ayay ku hadaqayeen"Dooni mayno in la iibiyo
Dugsigayaga, dooni Mayno in la dhammeeyo oo la iibiyo
goobaha danta guud" iyo hal-ku dhigyo kale oo nuxurkoodu
sidaa la macno ahaa oo ay dareenkooda ku muujinayeen.
Ardayda ayaa sheegay in Hawlaha ay ka cabanayaan ay
gaarsiinayaan Wasaaradii Tacliinta ayaa laga soo celiyay
jidka hor mara Madaxtooyada Somaliland, ka dib markii
ciidanka Bilayku ay rasaas ku rideen Ardaydaasi. Waxaana
qadar saacad ku dhow xidhnaa wadada hormarta madaxtooyada oo
labada dhinac ee Bariga iyo galbeedkaba laga xidhay, loona
diiday inay gaadiidku maraan.
Maamulaha Dugsiga Sheekh Bashiir Marwo Khadra Aadan Jaamac,
oo iyadu ka hadashay in la iibsaday Dugsiga ayaa tiri "annagu
wax aanu ka og nahay iibka dugsigaasi ee aad I weydiinaysaan
ma jirto, iskuul la iibinayana nalooma sheegin waxaanan u
aragnaa warkaasi mid waxba kama jiraan ah." Waxaanay intaas
ku dartay "Waxa maanta( Shalay ) sidii awalba dhici jirtey
marka uu iskuulku dayactir u baahdo in waalidka la weydiiyo
kaalinta kaga aaddan dayactirka Dugsiga ee ay awoodi karaan
ay ka qeyb qaataan Waalidiintu.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka dugsiga iyo
waalidiinta ayaa u balansan in ay maalinta Khamiista ee soo
socota ay ka shiraan sidii dayac-tir loogu samayn lahaa
daaqadaha fasalada dugsiga oo jajaban si waalidku uga qeyb
qaato kharashka lagu dayactirayo, halka inta kalena ay
bixinayso sida la sheegay hay’adda CARE International.
Dhinaca kale, Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Cali Cabdi
Odowaa ayaa warbaahinta u sheegay inaanay waxba ka jirin
warka sheegaya in la iibiyey dugsiga sheikh Bashiir,
gadoodkan ardayduna waxa uu ku yimid warar been ah oo loo
sheegay ardayda.
Iku soo wadda duubo marka la eego xaaladda cirka isku
shareertay ee ka dhacday Magaaladda Hargays aaya hadda u
muuqata mid qabowday oo la xalinayo waana markii ugu
horaysay oo Mudaharaadkan oo kaleto ay dhigaan Arday ka
cabanaysa in Guryo iskoolku lahaa la gatay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |