Baarlamaanka Puntland oo
Maanta la soo Hor dhigay Dastuurka Cusub.
(Garoowe. May
26, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo maalinimaddi shalay
ahayd ay Golaha xukuumadda Puntland ansixiyeen Dastuurka
cusub ee uu yeelanayo Puntland Iyadoo dastuurkan dufcadihisa
ay akhristeen xubnaha golaha wakiilada Puntland ayaa haddana
waxaa shalay ku dhawaacay Wasiiru dawlaha Democracy yadda
iyo Madaxtoyadda Dr:Maxamed Xasan jimcaale in berrito loo
gudbin doono golaha wakiiladda Puntland.
Maanta ayaa waxaa Xildhibaanadda Golaha wakiiladda waxaa loo
qaybiyay Nuqolo iyo qoraalka dastuurka cusub ee Maamul
goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka
qeybgaley kulanka maanta ah oo xildhibaanadu ay ku
dhegeysteen warbixin uu madaxweynuhu ka siiyey barlamanka.
Qaar ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka oo maanta
saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in barlamanku ay
dhegeysteen warbixinta uu siiyey madaxweynaha Puntland,
waxaana madaxweynuhu uu sheegay in dastuurku uu yahay midkii
ay horey u dejisey xukuumadii hore ee Puntland uu Madaxda U
ahaa General Cadde Muuse Xirsi laakiin xukuumadan cusub ay
wax badan ku dartey.
Dastuurkani maanta loo qaybiyay Xildhibaanadda Baarlamaanka
Puntland aya waxaa la filayaa inay ka munaaqashoodaan
Maalinimadda Sabtida ah ee Fooda inagu soo haysa.
Ansixinta ka dib ayaa waxaa la filayaa in Dastuurkani cusub
loo soo bandhigo shacabka reer Puntland si afti guud loo gu
qaado Dastuurkani cusub.
Dastuurkani ayaa dood ay ka yeeshen mudanayaasha
Baarlamaanka Puntland waxaa looga doodayay sida uu u
waafaqayo Dastuurka Dawladda kumeel gaarka ah waxaana ay u
muuqatay in Mudanayashu Qeexayeen in ay Tahay in Puntland ka
qaybgasho marka la dajinayo Dastuurka Dawladda somalia.
Dastuurkan ayaa waxa uu ka kooban yahay 141 Qodob iyo weliba
hal lifaaq oo loogu magacdaray Marxalada kalaguurka, waxaana
ku xusan Dastuurkan DGPL ee maanta loo gudbiyay
xildhibaanada Puntland, Shareecada Islaamka, Baahinta
xukunka, maamul wanaaga, wadatashiga, isku dheeli tirka
Awoodaha Dowlada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Warsaxaafadeedkii
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Dimuqraadiyeynta iyo
Arrimaha Federaalka
Dr:Cabdi Xasan Jimcaale
Hadaba waxaa warsaxafadeed soo saaray Wasiiru dawlaha
Democracy iyo Arrimaha federalka Dr:Cabdi xasan jimcaale
waxaana loo qaybiyay Saxaafadda waxaana uu u qornaa sidan:
Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari,waxa ay ku guulaysteen in
ay samaystaan maamul uu u dhamaystiran yihiin qaybaha
dawladda,taas oo ka dambaysay,ka dib markii waxgaradka
Gobollada waqooyi-Bari ay shir weyne isugu yimaadeen
Magaalada Garowe.
Bishii ogost Sannadkii 1998kii,halkaas oo loogu walqalay
maamul cusub oo unug u noqonaya Dowlad Soomaaliyeed oo leh
maamul baahsan kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan
habka Federaalka,taas oo aanu rumaysan nahay in ay tahay
wadada keliya ee isu keeni karto dadka Soomaaliyeed ee
dagaalladii sokeeye ku kala irdhoobay.
Dowlad goboleedkaas cusub waxa loo bixiyey"
Puntland".magacaas oo cuskaan taariikh
gaamurtay,macnihiisuna yahay’ ‘’Dhulkii Udugga".
Hadaba qoraalkani waa miraha dibi eegista Golaha Xukuumadda
ee Dastuurka,taasi oo soo martay Marxalado kala duwan iyo
tashiyo loo bandhigay dad badan oo la bidayey in ay ku soo
biirin karaan fikrado wax ku ool ah oo ka tarjumaya sidii uu
dastuurkani u noqon lahaa mid taabagal ah ee warcelin waafi
ah bixinaya halka ay Puntland higsanayso,iyaga oo isku
duuban dawlad iyo dadweyne.
Dastuurkan oo ay xukuumadda Puntland li meelmarisay
ogolaanshihiisa cod mideysan(unanimous)taariikhdu markay
ahayd 24kii Maajo 2009,ayaa ah nuqulka kama dambaysta ee la
horgeynayo Golaha Wakiiladda,si ay iyaguna uga
baaraandegaan,una ansixiyaan,dabadeedna loogu qaado afti
dadweyne.
Dasturkani waxa uu noqonayaa mid si ku meel gaar ah u dhaqan
gala,mar allaale iyo marka uu golaha wakiilada Puntland
ansixiyo.marka laga reebo qodobada la xiriira doorashada iyo
guud ahaan qodobada la falgala dhismayaasha golayaasha
deegaanka iyo dhalashada Xisbiyada cusub iyo waliba guddiga
Doorashada Puntland ee rasmiga noqonaya,kuwaasi oo iyaguna
dhaqangalaya mar allaale iyo marka ay hawshoodu bilaabato.
Dastuurkani waxa uu ka kooban yahay141qodob iyo hal lifaaq
oo loogu magacdaray "Marxaladda kala Guurka",loolana jeedo
isbedelka labada guddi doorasho,wuxuuna si gaar ah kuu
sabsan yahay guddiga Doorashada eek u meel gaarka
ah,Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiran yihiin
Mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socda:
1.Shareecada Islaamka
2.Baahinta Xukunka
3.Maamul wanaagga
4.habka wadaashiga
5.Isudheelitirida awoodaha Dawladda sida:
a)Golaha xeer Dejinta(Baarlamaanka).
b)Golaha Fulinta(Xukuumadda)
c)Golaha Garsoorka.
6.Habka Xisbiyada Badan
7.Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo suuqa xorta
8.Xuquuqa Aasaasiga ah ee Muwaadiniinta.
9.Nabadgelyada iyo Xasiloonida.
Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halkan uga mahadceliyo
dhammaan dadkii sida tooska ah iyo si dadban uga
qaybqaatay.qoraalka dastuurka,sixitaankiisa,doodiisa iyo
guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo
kordhintiisa,soona gaarsiiyey halka uu manta marayo,isaga oo
aan qabyo ahayn,balse dhamaystiran,waxaan si gaar ah aan
halkan uga mahadcelinayaa Guddigga Dastuurka,dadweynihii ka
qaybqaatay,golaha Fulinta(Xukuumadda) iyo golaha
Wakiiladda(Baarlamaanka).
Waxaan mahad ballaaran halkan u marinayaa Hay’ada
Interpeace,oo iyadu fududeeye ka ahayd ilaa markii la unkay
Mashruucan,walina qayb muhiim ka ah socodka looga jibba
keenay hawshan baaxadda weyn,taas oo dhaqaale iyo Farsamaba
la garab taagan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |