Bayaan ay soo wada saareen
beelaha Cigaalnaaleeye iyo Khaalid Habarwaa
(Buuhoodle.
May 09, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa
xalay oo taariikhdu ahayd May 7, 2009 ku wada hadlay
telefoonka laysku xidho(teleconference) qurba joogta Labada
ardaa ee Cigaal Naaleeye Axmed, iyo Khaalid Habarwaa,
shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Cuqaal, Odayaal, iyo
Waxgarad intaba
Waxaa
lagaga wada hadlay arintii naxdinta lahayd ee ka dhacday
magaalada Buuhoodle wiigan horaantiisii, taas oo ay labada
beelood isaga tacsiyadeeyeen dhimashadii iyo dhaawacii uu
sababay mashaqadaas ka dhacaday Buuhoodle.
Waxay si wada jir ah usoo
saareen qodaban soo socda:
-
Waxaan
tacsi udiraynaa dhamaan dadkii ku geeriyooday mashaqadaas
Ilaahayna u waydiinaynaa inuu u naxariisto intii dhimatay
intii dhaawactayna Ilaahay caafimaad ugu badelo, eheladii
ay ka geeriyoodeena samir iyo imaan ka siiyo.
-
In
laga hortago si wada jir ah inaan wax dambe dhacin.
-
In loo
mahad naqo Ilaahay iyo dadkii isku howlay in aan waxdambe
dhacin sida Isimada, Odayaasha, Waxagaradka, Culumada, iyo
dhamaan intii ka qaybqaadatay howshaas sidii loo
xakamaynlahaa inaan waxdambe dhacin.
-
In si
degdeg ah loo kala diro hadii ay jiraan ciidamo uruursan.
-
In loo
saaro gudi wada jira oo ka kooban labada beelood oo
dhamaystira howsha waxii dhiman
Dhinaca Cigaal
naaleeye waxaa kasoo qaybgalay:
1.Caaqil
Adan Ismaaciil Muxumud kooreeye(bawdyagaab)
2.Ahmed
Ibraahim dhuxul
3.Maxamoud Abdi Jama(indhabuur)
4.Ahmed
Cabdilaahi Hangool
5.Cabdi
Adan Cali (abdidayr)
6.Jaamac
Cabdillahi maxamed( dhantac)
7.Nadiif
aadan Maxamed(dhantac)
8.Maxamed Cali Xasan
9.Kaariye Aadan Kooreeye
Dhinaca khaalidkana waxa
kasoo qaybgalay:
1 Caaqil
Cabdillahi Shariif Dhagacade
2.
Caaqil Maxamed Boodayare
3.Cali
Axmed ducaale(calibustaale)
4.Axmed
ismaaciil Biixi(shabeel)
5.Ismaaciil Diiriye Gamaadiid(dhagawayne)
6.Cali
Ismaaciil rugbuur(calisoofe)
7.Cabdinasir Axmed Qowdhan
8.Rooble
Xaaji Cali Deeq
9.Xiis
Xirsi Ducaale
Xiis
Xirsi Ducaale
San
Jose, California
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |