Daahir Aways oo u sheegay
Madaxwaynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Inuu Xilka ku soo
wareejiyo
(Muqdisho.
May 15, 2009 Ceegaag Online)
Sheekh Daahir Aways oo u malmalcunsan
sidii mar uun loo oran lahaa Madaxwayne isaga oo dhabada ku
haya wadadii dheereed ee madaalonimada ayaa hada qas iyo
qalaaqal ka wada magaalada Muqdisho.
DaahirAways oo wada aargoosasho uu
doonayo inuu ka aar goosto Beesha mudulood ayaa isku
qarinaya kooxaha meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan
aan la'aqoon ee al-shabaab.
Shiikh Aweys waxa uu sheegay in dawlada Shiikh Shariif aanay
ahayn mid sharci ah, isla markaana beesha caalamku ay dusha
ka saartay shacabka Soomaaliyeed.
Hogaamiyaha mucaaradka ee
Shiikh Xassan Daahir Aweys waxa uu sidoo kale ku baaqay in
lasii wado dagaalka inta ay ciidamada AMISOM ay joogaan
gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa wadaadka hadaladiisa ka mid ahaa
ku dhaqanka kitaabka Cabdulaahi Yuusuf waan ka yeeli lahaa
balse Sheekh Shariif kamayeelayo isaga oo aan haba yaraatee
u daneenayn ama u diirnaxayn shaqacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale hay’ada Laanqayrta Cas ayaa
sheegtay in dagaalada ka soconayay maalmihii lasoo dhaafay
gudaha magaalada Muqdisho ay ku dhinteen tobonaan qof iyadoo
sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 400 oo qof.
Dadka ka barakacay dagaalada Muqdisho
ayay sidoo kale sheegtay Laanqayrta Cas in ay gaarayaan
25,000 oo qof, dadkaas ayaa dhamaantood u barakacay duleedka
magaalada Muqdisho iyo gobolada deriska la ah magaalada.
Afhayeenka madax goboleedka Laanqayrta
Cas Hishaam Xassan ayaa ku tilmaamay xaalada magaalada
Muqdisho mid musiibo ah.
Dawlada Maraykanka ayaa dhinaceeda
dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ku eedaysay dawlada
Eritrea, waxayna ugu baaqday inay ka fogaato taageerida
kooxaha kasoo horjeeda DKMG ah ee Soomaaliya.
Dawlada Eritrea ayaa iyadu inta badan
iska fogaysa in ay taageero u fidiso kooxaha ka dagaalamaya
gudaha dalka Soomaaliya.
Iskusoo wada duuboo Soomaaliya ayaa hada
marasa xaalad ay wadaadadeediina kursigii ku dagaalamayaan!!!!!
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |