Drs. Xamdi Cabdillaahi Cali
Abokor oo ah madaxa ururka bisha cas ee gobolka Sool oo
deeq raashin ah soo gaadhsiisay Ceegaag
(Ceegaag. May
22, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa shalay gaadhay degmada
Ceegaag ee gobolka Sool shixnad raashin ah oo soo
gaadhsiisay ururka bisha cas ee Soomaaliyeed. Drs. Xamdi
Cabdillaahi Cali Abokor oo ah madaxa ururka bisha cas ee
Gobolka Sool oo hogaaminaysay wafdigaa tegay magaalada
Ceegaag ayaa goob joog ka ahayd qaybinta raashinkaas ayaa
dadwaynaha ku dhaqan degmada kula dardaarantay in ay ka
shaqeeyaan adkaynta nabadagalyada iyadoo u ballanqaadday in
ay wax badan ka qaban doonto dhinacyada kala duwan ee
adeegga bulshada.
"furaha horumarku waa nabadgalyada iyo kaladanbaynta, haddii
taas la waayo ma dhici karto in lagu tallaabsado horumar iyo
badhaadhe" ayaa ka mid ahaa Dr. Xamdi hadalladii ay u
jeedisay masuuliyiinta degmada Ceegaag. Goddoomiyaha degmada
Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi (cabdiriiglle) oo isna
halkaas hadallo kooban ka soo jeediyay ayaa uga mahadceliyay
ururka Bisha Cas sida hagarla'aanta ah ee ay mar walba
utaakuleeyaan dadwaynaha degmada isagoo u sheegay wafdiga
ururka Bisha Cas in degmada Ceegaag ay ka mid tahay meelaha
ugu nabadgalyada badan dalka Soomaaliya gaar ahaan
degaannada SSC.
Goddoomiyuhu wuxuu ka codsaday
wafdiga in ay joogteeyaan kormeerada noocan oo kale ah ee ay
ku sameeyaan degaannada ay ka hawlgalaan sibuu yidhi ay ula
socdaan xaaladda nololeed ay ku suganyihiin dadwaynaha ku
dhaqan degaannadaas. Waxaa goobtaas raashinka lagula kala
wareegayay ku sugnaa masuuliyiinta kala duwan ee degmada,
odayaasha, ururka haweenka iyo ciidanka
nabadgalyada.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |