Faahfaahin ku Saabsan
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray Degaanka Kalabayr ee
G/hiraan.
(Kalabayr,
Hiiraan. May 19, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo ay Maanta Barqanimaddi soo
gaaren Deegaanka Kalabayr ee Gobolka Hiiraan Cutubyo Ciidamo
Itoobiyaan ah kuwaasi oo si aada ugu Hubaysan Hubka
Noocyadiisa kala Duwan waxaana Ciidamadan Itoobiyanka ah ay
ka soo dhaqaqeen Degmadda Xadka ee Luuq waxaana ay ka soo
gudbeen Feerfeer soona Gaareen Kalabayr halkaasi oo Waqoyi
bari 30-Km kaga Beegaan Beledweyn.
Ciidamadani oo aad ubadan ayaa hada isku fidiyay dhulka ku
hareereysan Isgoyska Kalabayr , Jawiil , Dheeman iyo Qurac
Raamoole iyaga oo isla markiiba bilaabay Baaritaano ay ku
samaynayaan Gaadiidka isaga kala goosha Gobolada dhexe gaar
ahaan Magaalada B/weyne iyo Boosaaso iyo su’aalo ay
weydiinayaan Dadka Safarka ah .
Iyadoo aan Ciidamadan Tiradooda Rasmiga ah la garanayn isla
markaana ay Dadka Goob joogayasha ay Tibaxayaan in ay
Gaarayaan ku dhawaad 1 Guuto.
Isgoyska Kalabayr oo leh Muhiimad gaara marka laga hadlayo
isku socodka Gobolada Soomaaliya ayaa waxaa ku kala beyra 4
Jid oo kala ah Wadada isku Xirta Gobolada Waqooyi ,Bari iyo
Koofurta Soomaaliya sidoo kale waxaa ka baxa wado aada
Magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhulka Soomaali Galbeed iyo
labo Wado oo midina aado dhanka Caasimada Soomaaliya ee
Muqdisho ,waxaana u fudud Cid kasta oo ku sugan marinkani
iney koontaroosho guud ahaan dhaq dhaqaaqa Gobolada dhexe.
Macada sababaha iyo ujeedada Cidamadani ay leeyihiin iyo
iney halkan siijoogi doonaan iyo inkale waxaasi aan muuqan
cid ka hadashay Ciidamadani Xili ay ku sugan yihiin Xoogaga
Muqaawamada Gudaha iyo Hareeraha Magaalada Beled-Weyne balse
u muuqda kuwo iyagu Mashquul isku ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |