Shirkii Hayadda Culumadda
soomaaliyeed oo la soo Gabagabeeyay iyo Go'aamo laga soo
saaray.
(Muqdisho.
May 11, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo Shir aad u balaaran ay
Maalmihi ugu dambeeyay ku jireen Majmaca Culumada
soomaaliyeed kaas oo ka dhacayay Magaaladda Muqdisho ayaa
maanta si rasmi ah lo so afmeeray Shirkaasi waxaana laga soo
saaray Go'aamo Waxaa Go'aamadaasi Saxaafadda u akhriyay
Gudoomiyaha Hayadda Culumadda Soomaaliyed Dr:Bashiir Axmed
Salaad.
1. In si deg-deg ah loo joojoojiyo dagaalka socda
2. In la joojioy dacaayadaha iyo wax walba oo dhibaato
abuuri kara
3. In la furo albaabka wadahadalada, tanaasulna la sameeyo
Go'aamadan ay soo saartay Hayadda Culimadda Somaliyed
ayaa lagu sheegay in dhinacyada dagaalamaya ka shaqeeyaan
wixii nabad keenaya, sidoo kalena haddii aan la isku
tanaasulin ay taasi keeni karto inuu burburo nidaamka
Islaamiga ah, dalkana uu cadow gacanta u galo.
"Culumadu waxay ka digayaan mas'aladda gaaleysiinta, la
gaaleysiinayo Madaxda dalka ama dagaalka lagula jiro
dowladda, sidoo kale walaalaha muslimiinta ah ma banaana
iyagana in dhiigooda la baneysto oo sidaas lagula dagaalamo"
ayuu yiri Sheekh Bashiir.
Mar uu guddoomiyaha hay'addu ka hadlay ciidamada AMISOM
ayuu sheegay inay ku baxayaan xiligii ay u qabteen, wuxuuna
sheegay in culumadu ay si weyn uga xun tahay una
cambaareynayso duqeyntii AMISOM ay Muqdisho ka geysatay.
Sidoo kale culumadu waxay sheegeen in xukuumada ay ka
dalbadeen in ku dhaqanka sharciga Islaamka in ay meel mariso
ayna wax ka badasho dastuurka, iyadoo loo saarayo
guddiyo aqoon u leh sharciga.
Isku soo wada duubo marka la eego Go'aamadan ay so
saareen Hayadda Culumadda somaliyed oo markoodi labaad
Go'aamadani soo saaray ayaa Gabagabaddi Warbixinta lagu
sheegay in Wadamo shisheye ay sii hurinayaan Dagaaladda ka
socda Wadanka Somalia Sida Ethopia oo la sheegay inay
Dhaqdhaqaaqyo Military ka waddo Gudaha Gobolo ka mida
Wadanka
somalia.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |