Hayadda Culuma'udiinka
Somaliyed oo Maanta Kulan Xaasaasi ah Uga Furmay
Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia.
(Muqdisho.
May 06, 2009 Ceegaag Online)
Sh/Bashiir Axmed Salaad
Waxaa Maanta Kulan Xaasaasi ah uga
Furmay Hotel Royal Garden (Ex:Hotel Guuleed) ee Magaalada
Muqdisho Hayadda Culumo'udiinka Soomaaliyeed waxaana
Kulankan yahay mid aad xaasaasi ah waxaana ka soo qaybgalaya
Culumo'udiin aad u farabadan oo somaliyed.
Ammaanka halka uu shirka ka socdo ayaa aad loo adkeeyay,
waxaana wararka qaar ay sheegayaan in kulanka ay ka soo qeyb
galayaan qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Muqaawamada.
Culumaa'udiinka oo aan wali kulmin tan iyo markii ay soo
saareen bayaankii ka koobnaa 9-ka qodob ayaa warar laga
helay ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in laga yaabo
inay kulanka maanta ka soo saaraan go'aano hor leh oo ah
xaalada dalka iyo xiisadaha isku hor gudban.
Sidoo kale Culimada ayaa waxay warbixin ka dhageysanayaan
gudi ugu qeybsan arrimaha Musaalaxada, kaasoo ilaa iyo
iminka aan laga gaarin wax horu mar ah, marka loo eego dhex
dhexaadintii laga dhex waday dhinacyada Muqaawamada oo aan
ilaa iyo hada jirin dhinacyo la isku soo hor fariisiyay
Wararkii ugu dambeeyay oo aanu ka heleyno shirkaas ayaa
sheegaya in Culimada ay ku lafa gurayaan waxyaabihii ka
hirgalay qodobadii ay soo saareen oo ay ugu weyneyd in muddo
afar bilood ay dalka uga baxaan Ciidamada AMISOM, kaasoo aan
waqtigiisa wali la gaarin, inkastoo si gaar ah looga hadlayo
arrimaha Ciidamada.
Gudoomiyaha hay’dda culimada Soomaliyeed Sh/Bashiir Axmed
Salaad ayaa sheegay in ula jeedka shirkan uu yahay qiimeynta
waxyaabihii kahirgalay bayaankii ay 2- bilood kahor soo
saareen iyo sidii ay talaaboyin cusub uqaadi laaheen
islamarkaana ay udardar galin lahaayeen howlahoodii
musaalaxada
Sidoo kale gudoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha hawiye
Max’ed Xasan Xaad oo kamid ahaa dadkii shirka ka hadlay ayaa
sheegay inay garab taaganyihiin go’aano waliba oo kasoo baxa
hay’da culimada ayna ayidayaan wixii ay shirkan kasoo
saaraan.
Ma jiraan wax warar ah oo kaleeto o ka so baxaya Goobta uu
shirka ka socdo iyadoo Natiijadda shirka la so bandhigi
doono marka shirka la soo gabagabeeyo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |