Maraykanka oo Ciidamo u
Diraya Afghanistan Bisha July Dhexdeeda.
(USA. May
31 , 2009 Ceegaag Online)
Dawladda Wadanka Maraykanka ayaa Bisha
July Dhexdeeda waxay Ciidamo u diraysaa Wadanka Dagaaladu
aafeyen ee Afghanistan 17,000 oo ciidan American ah ayaa
Maraykanku u dirayaa Wadanka Afhanistan gaar ahaan
Kabul xarunta iyadoo Ciidamadani Dagaal la gali doona
Jabhadda
Taliban iyagoo ka hortagaya Koritanka iyo Koboca
Jabhadda Taliban waxaana Ciidamaddi Tagitankooda Shaaciyay
Afhayeen u hadlay Ciidamada Wadankaasi Maraykanka.
Sidoo kale 4,000 oo askari ayaa Tagi toona
Bisha august wadankaasi Afghanistan si ay u Tababaraan
Ciidamadda Amaanka ee wadankaasi Afhanistan.
Qorshaha Dawladda Washington ay ugu dirayso
Isku darka 21,000 ee askari kuwaasi oo xoojin ah
Nabadgalyadda Doorashadda Madaxtinimo ee ka dhici doonta
Wadankasi Afghanistan 20-August iyagoo Taageraya Ciidamadda
NATO ee
halganka ugu jira Sugida Amaanka wadankasi iyo Dagalka
Kooxaha Mucaradka.
sida uu sheegay afhayeen u hadlay Militaryga
Maraykanka colonielGreg Julian oo ka mida Sarakiisha
Ciidamadda Maraykanka ee jooga wadankasi Afghanistan ku
dhawaad 10,000 oo Ciidamadda Badda ah ayaa iyana Tagaya
Wadankaasi iyaga oo sii wadan doona hawshooda iyadoo ay
tagayaan Gobolka Dhibaatadu ka Taagantahay ee Helmand.
Gobolka Helmand oo ku yaala Koonfurta iyo
gobolka Farah ee Galbeedka wadankasi Afghanistan ayaa ah
goobaha ay ku sii xoogaysanayaan Falaagadda Mucaaradka ah ee
Taliban iyadoo lagaga adkaan karo Kordhinta Ciidamadda
Ajnabiga ah ee jooga Wadankasi.
General Zaher Azimy oo ah Afhayeen u hadlay
Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa Yiri"Maalinkasta waxaa
ka dhaca wadanka Qaraxyo Bambaano oo qorshaysan Tiradda
Dhibaatooyinka iyo Weeradda kooxaha Mucaradka ah ayaa
Kordhay sidoo kale waxa uu yiri:Haddi ay yaraan lahaayen
Tiradda weeraradda iyo Dhibaatoyinka ka jira wadanka
Ciidamadda Wadanka Afhanistan Iyaga aya arrintai oo kale
fulin lahaa balse hadda dhibaatadi ayaa sii siyaada".
Qaar ka mida 7000 ee ciidamadda ah ayaa Tagay
Gobolka Mashaqadu ka jirto ee Qandahar.
3,500 aya iminka ku sugan Gobolka Kandahar oo
adeegsanaya Hubka culculus iyo Helicoptaro iyadoo lagu
darayo 3,500 kuwasi oo noqonaya Tiradda 7,000 ee askari ee
Tagay wadankasi isku darkooda iyo dhulalka Miyiga ah ee ku
dhawdhaw Gobolka sida uu shir jaraa'id ku sheegay Jullian.
dhamaan 21,000 ee ciidanka ah kuwaasi oo
tagaya wadankaasi ayaa noqon doona kuwa caawiya kaabayasha
amniga iyo hawlgalada ee NATO iyadoo sidoo kale 4,000 oo
askari oo tababari doona ciidamada u badan kuwa da'yar gaar
ahaan Ciidamadda Police ka iyo ciidamadda kale ee
Afghanistan iyadoo ay wiiqanyihin Tababaradda iyo xirfad
la'aanta iyo Musuqmaasuq haysta Ciidamadda.
Ciidamadda Qaranka Afghan (ANA) ayaa sidoo
kale gaaraya 90,000 ayaa noqon kara ciidamo ah 83,000 oo si
fiican loo tababaro oo tayysan si ay uga qaybqaatan
hawlgaladda Doorashoyinka wadankasi august.
Sarkaal sare aya sheegay in ciidamada
afghanistan noqonayana Tiro ahaan 95,000 haddi lagu daro
ciidamadda Police iyo ciidamadda Caalamiga ah ee ku sugan
wadankasi.
Wadankaasi
Afganistan waxaa jooga Tiro ciidamo ah oo ah NATO iyo
ciidamo kale o ka socda Maraykanka iyadoo ay dhacaan
Hawlgalo Asbuuced sida uu saxaafadda u sheegay Sarkaal ka
tirsan NATO.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |