Qodobo Xaasaasi ah oo laga
soo saaray Shirkii IGAD ee Lagu falanqaynayay xaaladdaha
ka Taagan somalia.
(Addis Ababa. May
21, 2009 Ceegaag Online)
Wadamada IGAD
Iyadoo maalinimaddi shalay ahayd
ay kulan degdega isugu yimaadeen Wasiiradda Arrimaha dibadda
Qaar ka mida dalalka IGAD(Extraordinary Meeting) ku bahoobay
waxaana uu shirkani ka dhacay Magaaladda Adis ababa kaasi
ayaa waxa laga soo saaray Qodobo iyo go'aano xaasaasi ah ku
aadan somalia.
Shirkani ayaa Gabagabadiisi waxaa la shaaciyay Go'aamo dhawr
ah oo ay soo saareen Wasiiradda arrimaha dibadda ee IGAD
waxaana Golaha Amaanka Q.M ka dalbaday in Soomaaliya lagu
soo rogo go’doomin xagga Cirka iyo Baddaba ah waxayna sidoo
kale Golaha Amaanka ka dalbadeen in ay si aan dib u dhac
lahayn ciqaabo ugu soo rogaan Dalka Eritrea taas oo sida ay
sheegeen ay ku mutaysatay khalkhal gelinta deganaanshaha
Soomaliya.
IGAD ayaa kulankooda ay uga hadlayeen Xaaladaha ka taagan
Soomaaliya gaar ahaan isbadalladii ugu danbeeyay waxay
sheegeen in Xoogagga Mucaaradka ay adeegsadeen Xuduudaha
Soomaaliya ee Furan gaar ahaan Airporada Km-50 iyo Balli
doogle halkaas oo ay shegeen in Hub, Rasaas iyo Dagaal
yahano Ajnabi ah ay ka soo degeen.
Urur goboleedka IGAD ayaa waxay si adag u dalbadeen in la
Xayiro Airporada Kismaayo, Marka, Baydhabo, Waajid, KM-50,
Balli-doogle, Jawhar ilaa Gedo iyo dhamaan Garoonada ku
yaalla dhulka ay maamulaan Xoogagga ka soo horjeeda DKMG ah
waxayna sidoo kale dalbadeen in la Xayiro dhamaan Dekedaha
ay maamulaan Xoogaggaas isla markaan waxay Golaha amaanka ku
booriyeen in ay fulinta cunaqabataynta dhinaca Badda ka
dalbadaan Ciidamada iyo Maraakiibta Dagaal ee hoganaya
Badaha Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay u yimaadeen
Ladagaalanka Burcad Badeeda.
Shirkani ay IGAD isugu timi ayaa sidoo kale lagaga dalbaday
Golaha Amaanka(Security Council) in Talaabooyin adag lagu
soo rogo isla markaana ay dawladda Eriteria doorwayn ku
leedahay Musiibadda ka taagan somalia taasi oo bay dheheen
ay golaha amaanka ku boorinayaan inay wax ka qabato wadanka
Eriteria sida ugu Degdega badan.
Madaxa Golaha M.Afrika Jean Ping oo isna soo xaadiray
kulankan ayaa mar kale waxaa uu ku celiyay codsigiisii ahaa
in ciidamo Nabadda ilaaliya oo ka socda Q.M la geeyo
Soomaaliya.
Madaxa Golaha Midawga Africa Jean ping ayaa Yiri" Xaaladda
aadka uga sii daraysa iyo Qalalaasaha aan horey loo arag ee
ka taagan Muqdisho darteed, waxaan jeclahay inaan Golaha
Amaanka ugu yeero in ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda
Q.M la geeyo Soomaaliya si loo horjoogsado khatarta Nabadda
iyo Amniga Caalamka halkaa uga soo foolka.
Seyoum Mesfin wasiirka Arrimaha dibadda wadanka Ethopia ayaa
shir gudoominayay shirka IGAD ee adis ababa waxaana isaga oo
ka hadlayay Go'aamada yiri " kama daalayno in aan isha ku
hayno isbadallada ka dhacaya Soomaaliya, wax kasta oo aan
awood u leenahayna ka hagran mayno taageerada xukuumadda
Sharciga ah ee Soomaaliya , Masaalixdeena wadaagga ah iyo
tan gaarka ah ee dhinaca Amniga Qaranka waxay ku fooradha
Soomaaliya marka la eego kuwa isku dayaya in ay ka
takhalusaan DKMG ah ee Beesha caalamku ictiraafsan tahay
Afhayeenadooda iyo Madaxdoodu waxay si cad u sheegayaan in
Ahdaaftoodu aysan ku ekayn Soomaaliya oo qura".
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo shirka Gudoonka
majaraha u hayay ayaa soo hadal qaaday in ciidamo Itoobiya
leedahay soo galeen ciida somalia waxana isaga oo
warfidiyeenadda u waramayay yiri " uma laabanayno Soomaaliya
qorshahana nooguma jirto in aan si kali ah ugu laabano Dalka
Soomaaliya" Hadalkaasi waxaa uu noqon karaa mid dareen oo
muujinaya in Itoobiya oo si sharci ah ku soo galayso somalia.
Kulankani xaasaasiga aha ayaa waxaa goob joog ka ahaa
Itoobiya, Kenya, Yuganda, Sudan, Jabuuti, Soomaaliya iyadoo
aanay Eriteria joogin shirka isla markaana ay horay ugu
dhawaaqday inay ka baxday ururka.
Marka dib loo jaleeco Qodobadda ku xusan Kulankan ayaa aanu
kala soocayn Shacabka iyo Kooxaha xag jira ee dagaaladda ka
hurinaya wadanka somalia waxaana qoraalka lagu xusay in
arrimaha Humanitarianka ama bani-aadanimadda oo fasax ka
haysta DKMG ah oo qura loo ogolaan karo in ay soo galaan
kana baxaan Goobaha la cayimay.
Isku soo wadda duubo tan iyo markii uu shirkani ka furmay
Adis ababa ayaa ahaa mid si wayn isha loogu hayay kaasi oo
ugu dambayntii natiijadan laga soo saaray waxana diiradda
lagu saarayay Xaaladaha cakiran ee somalia.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |