Wasiirka Arrimaha Dibadda
Somalia oo Maanta Shir Jaraa'id ku Qabtay Magaaladda
Muqdisho.
(Muqdisho.
May 06, 2009 Ceegaag Online)
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda
Kumeel gaarka ah ee Somalia Maxamed cabdulahi Omaar ayaa
Maanta markii ugu horaysay tan iyo markii Xilkaan loo
magacaabay shir jaraa'id Saxaafadda ugu Qabtay Magaaladda
Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia waxaana Wasiirku uu ka
hadlay Arrimo farabadan oo ka mid ahaa Safaraddi isdaba
jooga ahaa ee ugu ambabaxay wadamo badan.
Maxamed Cabdulahi Omar ayaa ku nuuxnuuxsaday in
dawladdu aysan haysan dhaqaale, isla markaasna aysan
qaadin canshuur ay ku maareyso arimaha horyaala kuna taaba
geliso maamul hagaagsan, soona celiso kala danbeyntii, taas
ayaa ka liftey in aan aduunka u dawirsi tagno si loo helo
dhaqaale aan wax ku fulino.
Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadley arimaha Burcad Badeeda,
waxa uu eeda dusha ka saarey, dhaca joogtada ah ee lagu hayo
kheyraadka umadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu sabab uga
dhigey sunta sida bareerka ah loogu duugaayo badda
Soomaaliya, qodobka kale ee aan aduunka kala soo hadalney
waxa uu ahaa ayuu yiri in la sameeyo, ciidamo ilaalilya
xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ka hawl gala dhanka beriga iyo
Badda.
Sidoo kale waxaa isna Maanta shir jaraa'id ku qabtay
Magaaladda Muqdisho wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka
ah Farxaan Cali maxamuud waxaana uu baaq u jeediyay Beesha
Caalamka in ay faragalin Ereiteria ka waddo Gudaha Somalia
oo ay hub ku soo daabulayso Gudaha Somalia.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in
dowladda Eritrea ay tababar ugu sameyso dalkeeda kooxaha
mucaaradka ku ah dowladda ayna hub iyo saanad military u soo
wado gudaha dalka Soomaaliya, isagoo difaacay hadalka
wasiirka Amniga Qaranka oo ahaa in asbuucii la soo dhaafay
hub laga keenay dalka Eritrea ay kooxaha mucaaradka kala soo
dageen Garoonka Balidoogle.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |