Xisbiyadda Mucaaradka
Maamulka Somaliland oo La Sheegay in ay isku waafaqeen in
la Beddelo Guddiga Commisionka.
(Hargaysa.
May 03, 2009 Ceegaag Online)
Xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE
iyo UCID ayaa la sheegay in ay si wada jir ah isugu
waafaqeen in xubnaha Komishanka doorashooyinka ee wakhtigan
gebi ahaanba la bedelo, taas oo ka mid ahayd soo jeedimihii
guddida dhexdhexaadinta.
Masuuliyiinta labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa dhawrkii
maalmood ee u dambeeyay ka arrinsanayay sidii go’aan isku
mid ah ay uga gaadhi lahaayeen bedelaada xubnaha Komishanka
doorashooyinka, iyadoo uu xisbiga UCID uu horeba ugu
dhawaaqay in la bedelo xubnaha komishanka, balse xisbiga
KULMIYE marar badan ku celceliyay in aan loo baahnayn in
wakhtigan la bedelo. Hase yeeshee, waxa loo malaynayaa ay
sabab u tahay in xisbiga KULMIYE mowqifkii UCID qaato
ogolaanshaha ay ogolaadeen muddo kordhintii lixda bilood
ahayd ee loo sameeyay madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa,
taas oo ay u arkaan in muddadaa dheer ay suurtogal noqon
karto in xubno cusub laga hawlgeliyo komishanka.
Ma jiro war rasmi ah oo ay labada xisbi ka soo saareen
arrinta, hase yeshee sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen
mowqifka labada xisbi ay iska taageen bedelaadda xubnaha
Komishanka ayaa la filayaa in ay kaga dhawaaqaan xaflad la
filayo in maanta loo sameeyo soo afjaridda khilaafkii
siyaasadeed ee dalka ka taagnaa iyo go’aamadii guddida
dhexdhexaadinta.
Labada xisbi ee mucaaradka KULMIYE iyo UCID ayaa ku
eedaynaya Komishanka mid karti daran oo aan dalka ka
suutogelin karaynin doorasho, isla markaana khilaafka iyo
dibu-dhaca soo noqnoqonaya ay iyagu sabab u yihiin, sidaas
darteedna ay lagama maarmaan tahay in la helo xubno Komishan
oo hawshan sideeda uga bixi kara.
Deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taakuleeya doorashooyinka
ayaan iyaguna ku qanacsanayn xubnaha Komishanka
doorashooyinka, kuwaas oo marar hore soo jeediyay inay
xisbiyada iyo dhinacyada ay khuseeyaan ay ka tashadaan isla
markaana ay xubnaha hadda joogaa ay yihiin qaar tamar daran.
Dhinacyada kale ee qaybta ku leh wax-ka-bedelka iyo dhismaha
Komishanka ee Guurtida iyo Madaxweyne Riyaale ayaan illaa
hadda la ogeyn in ay ogolaan doonaan soo jeedinta labada
xisbi.
Guddoomiyaha Komishanka, Jaamac Maxamuud
Cumar (Jaamac Sweden) oo ka hadlay arrinta soo
jeedinta guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee
ku saabsan in la bedelo iyo wax lagu kordhiyo Komishanka,
ayaa sheegay in Komishanka doorashooyinka tiradooda uu xeer
cayimay, isla markaana ay sharci ku fadhiyaan, cidda sidaas
ku talinaysaana ay qarda-jeexayso sharciga.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |