Wasaaradda Caafimaadka ee
Puntland oo la Tacaalaysa La dagaalanka Duumadda (Malaria).
(Garoowe, Nov
07,
2009 Ceegaag Online)
Cudurka
Duumadda ama Malariyadu wuxuu ka mid yahay Cuduradda ugu
Caansan ee Somalia ka jira iyadoona Dhamaan Wadamadda ku
yaala Dunida Saddexaad Dhibaato ka haysato La dagaalanka
Cudurkaasi,Dowladaha Dhaqaalaha Leh ee Horumaray ayaa ku
guuleystay Inay dabargooyaan Cudurkaan,Hadaba Wasaaradda
Caafimaadka ee Puntland ayaa Dood cilmiyeed ku saabsan
Duumadda ku soo Gabagebaysay Magaaladda Garoowe Waxaana
Doodaan ka soo qaybgalay Xeeldheerayaal iyo Takhaatiir si
wayn ugu Takhasusay Arrimaha Caafimaadka.
Wasaaradda
Caafimaadka ee Puntland ayaa lagu Qabtay Doodan looga
Arrinsanayay sidii loo soo Ciribtiri lahaa Cudurka Duumadda
ama Malariyada,Waxaa ka qaybgalay Saraakiil Caafimaad oo ka
socota Saddex Gobol oo ku yaala Puntland oo kala
ah,Sool,Sanaag iyo Nugaal waxaana la isla Meel dhigay Qodobo
lagu Maarayn karo Duumadda ama Malaariyadda,700 oo Madax
caafimaad ah ayaa ka soo qaybgalay Doodaan Puntland uga
Arrinsanaysay La tacaalida Cudurka Duumadda ama Malaariyadda.
Dr:C/risaaq
Xasan ciise waa Agaasimaha Waaxda Daryeelka ee Wasaaradda
Caafimaadka ee Puntland wuxuuna ka waramayaa Cudurkaan iyo
Natiijadda Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland"Waxaan Doodaan
ugu Talogalnay La dagaalanka Duumada waxaa ka qaybgalaya waa
Saraakiil caafimaad oo ka socota Saddexda Gobol ee kala
ah,Sool,Sanaag iyo Nugaal Madaama Goboladda kale aan ka soo
bilawnay Barnaamijkaan aan kula Tacaalayno Duumadda ama
Malaariyada sida Bari waxaana Gaarsiinay 18 Goobo Caafimaad".
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |