Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha
ee Puntland oo shaacisay inay dhoofinayso in ka badan
1Million oo neef.
(Bosaaso, Nov
08,
2009 Ceegaag Online)
Iyadoo
Dawladda Wadanka Sucuudigu Shaaca ka qaaday inay Furayso
Dhoofinta Xoolaha Soomaalida ayaa Wasaaradda Xanaanadda
Xoolaha ee Puntland shaacisay inay Diyaarisay in ka badan 1
Million oo neef Laga dhoofinayo Puntland,Wasiirka Xanaanadda
Xoolaha ee Puntland Axmed Maxamed Doonyaale iyo Maamulaha
Maxjarka weyn ee Magaaladda Boosaaso ayaa Maanta Shir
saxaafadeed ku qabtay Gudaha Xarunta Maxjarka wayn ee
Boosaaso.
Wasiirka
Xanaanadda Xoolaha ee Puntland Axmed Maxamed Doonyaale ayaa
sheegay inay soo Dhawaynayaan Talaabadda Dawlada Sucuudigu
ku fasaxday Xoolaha Soomaalida,Dekedaha Boosaaso iyo Berbera
ayaa laga Dhoofinayaa Sanadkaan Xoolaha Somalia ka dhoofaya
waxaana Haatan ku soo qulqulaya Boosaaso Gawaari sida Xoolo
farabadan oo loo Dhoofinayo Sucuudiga sida,Ari,Lo' iyo Geel.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |