Maxaa ka jira in Puntland sii
dhiibtay Dad ka soo jeeda Beesha Absame (Daarood).
(Bosaaso, Nov
01,
2009 Ceegaag Online)
Waxaa
Maalmihi ugu Dambeeyay ku soo badanayay Suuqyadda
Magaalooyinka waaweyn ee Puntland warar sheegaya in Maamulka
Puntland Rag ka iibsadeen Dawladda aan deriska nahay ee
Itoobiya,Maamulka Puntland ma aha markii ugu horaysay oo
lagu dhaliilay inay Rag ka soo jeeda Beesha Absame u
dhiibeen Dawladda Itoobiya oo door wayn ka ciyaarta
Siyaasadda Somalia,Shacabka Puntland badi Maalmihi ugu
Dambeeyay waxay is waydiinayeen Sababta keentay in Maamulka
Puntland Rag ay Bahwadaag yihiin u dhiibaan Dawladda
Itoobiya oo Gumaysata Dhul balaaran oo ay Degto Beesha
Ogaadeen(Soomaaliya).
Nimanka la qabtay:-
Nimanka la qabtay ayaa la sheegay inay Tiradoodu
gaaraysay 5 kuwaasi oo la sheegay in laga Dhex qabtay Dooni
ka soo kicintay Magaaladda Mukala ee Dalka Yaman,Ilo xog
ogaal ah oo ay Shabakadan xiriir la sameysay ayaa noo
xaqiijiyay in Nimankaasi ayaaheeyn rag Wadaado ah oo u
janjeera Diinta Islaamka isla markaasna loo malaynayo inay
wax ku soo barteen Dalka Yaman,Ragani ayaa na loo sheegay in
Damacoodu ahaa inay ka shaqaystaan Magaaladda Bosaso
Maadaama Dhulkoodi Gumaysi ku jiro,Ciidamadda Dekeda
Magaaladda Bosaso ayaa Ragaani Haybsaday isla markaasna
markii ay xaqiiqsadeen inay yihiin Rag asal ku leh Deegaanka
Soomalidu Degto ee itoobiya waxay dhigeen Xabsi ku yaala
Dekeda.
Qabashada Ragaani waxaa walaac wayn ka muujiyay Shacabka
Puntland waxaana Baaqyo soo saaray,Nabadoonadda iyo
Culuma'udiinka Puntland,Horay waxaa caado u ahayd in
Ciidamadda Nabadsugida ee Puntland ee marka Magacooda la soo
gaabiyo loo yaqaan PIS ay Dadka Culumada ah Qaban jireen
iyagoo u dhiibi jiray Dawladda Maraykanka oo Fangaraysa,Ha
yeeshe warar badan ayaa ka soo baxay Shantii nin ee lagu
xiray Dekedda.
Warar lagu Kalsoonyahay ayaa sheegaya in Ragii shanta ah
wali lagu Hayo Magaaladda Bosaso iyadoona la geeyay Gurri uu
deganyahay Qunsul Itoobiya u jooga Puntland(Sarkaalkan
Itoobiyaanka ah ayaa waxaa ilaaliya Ilaalo Itoobiyan ah oo
khaas ah wuxuuna Dhawr mar safaro la galay Madaxweyne
Faroole,Wakhtigii Madaxweyne Faroole Gaaray Itoobiya ayaan
lagu Soo daray si uu xog ogaal uga noqdo in Puntland hubayso
Ururka Gobanimo doonka ah ee ONLF).Ma cada ilaa iyo iminka
in si toos ah Ragaasi loo wareejiyay balse waxaa soo baxaya
warar sheegaya in Masuuliyiinta Sarsare ee Puntland isku
maandhaafsanyihiin sida Ragaasi laga yeeli lahaa.
Puntland oo qirtay Qabashada Ragaani:-
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa
qiray in Ciidamadda Puntland ay gacanta ku dhigeen Rag
amaanka Khalkhal ku haya waa sida uu hadalka u
dhigaye,Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Qabteen 4 nin oo
kaliya kuwaasi oo uu sheegay inay Gacanta ku soo dhigeen
Ciidamadda Amaanka ee Puntland,Faroole ayaa si cad ugu
adkaystay in Ragaasi ahaayen rag xiriir la leh ONLF osagoo
sheegay inay Cadaynayaan Documents ay wateen waa sida uu
hadalka u dhigaye.
Faroole ayaa yiri isagoo ka hadlaya Masjid uu jimcihii u
tukanayay (Masjid Huda
Garowe)
"Dadka ka soo jeeda Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya waa dad
aan walaalo nahay,Waxay ganacsi ku leeyihiin Puntland,Anagu
waxaan sheegaynaa inay Ciidamadda Amaanka ee Puntland
Gacanta ku soo dhigeen 4 nin oo aanu is leenahay waxay ku
soo tababarteen Dalka Ereteria Madaama aanu helnay
Documentiyo Cadaynaya Arrintaasi...Marna ma ogolaanayno in
Dekeda Bosaso looga Adeego Jabhadda ONLF oo Dawladda
Itoobiya Dagaal hubaysan kala soo horjeeda".
Faroole ayaan looga Baran hadaladda Caynkaani ah ,Hase
ahaate Faroole ayaa heshiis la soo galay Dawladda Itoobiya
iyadoona Itoobiya wakhtigii uu gaaray ay ku soo canaanatay
in Puntland laga tageero Jabhadda Xoriyad doonka ah ee
ONLF,Balse si loola socdo Dhaqdhaqaaqa ONLF ee Puntland
waxay Dawladda Itoobiya u soo dirsatay Puntland Sarkaal
sirdoon ah.
Nabadoono iyo Culuma'udiin ka hadlay Waxa dhacay:-
Nabadoonadda iyo Culuma'udiinka Deegaanadda Puntland
ayaa shaaca ka qaaday inay ka xunyihiin waxa foosha xun ee
ay ku talaabsatay Xukuumadda Puntland,Nabadoon C/casiis
Maxamuud yuusuf Afgaduud ayaa Maalintii shanaad u xiran
Waraysi uu ku cambaareeyay Falka Puntland kula kacday Dadka
ka soo jeeda Deegaanka Ismaamulka Soomaaliyeed ee
itoobiya,Puntland ayaa aad uga carootay warka xaqiiiqda ah
ee uu Daaha ka qaaday Suldaanku.
Culimada Kala ah Sheekh Axmed Daahir , Sheekh Xasan Xuseen
Axmed iyo Sheekh Fu’aad maxamuud xaaji nuur oo ah
Culuma'udiinka ugu Caansan Deegaanadda Puntland ayaa hadlo
kukul oo ay arintaas uga soo horjeedaan waxa ay ka jeediyeen
Masaajidda kala ah Al-Rashiid, Ramadaan, Iyo Al- aqsaa
waxayna culimdu tibaaxeen in waxa dhacay uu yahay wax aad u
xun diin ahaan iyo caqli ahaanba mana bannaana in qof muslim
ah loo gacan galiyo cadow gaal ah , arintaasna ay ka
dhalanayaan dhibaatooyin aduun iyo kuwo aakhiroba loona
baahan yahay in laga hortago waxa la sameynayo ee dhibka ku
ah Bulshada jiritaankeeda, amnigeeda , madaxbanaanideeda iyo
nolosheedaba.
Sheekh Axmed Daahir oo ka hadlay Masjidka Ramadaan ayaa
xusay in waxa dhacayaa ay yihiin wax aad looga xumaado
runtii diin ahaan iyo dhaqan ahaanna aysan babaanaynna ayna
ka dhalanayaan dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin
wuxuuna yiri Sheekh Axmed oo ka hadlaya ninka la dhiibay "
waxaa ka dhacay meeshaan Dekadda ah maalin dhaweyd niman
walaalaheen ah oo dadka la dhashay oo magaca la wadaaga oo
la abritis ah oo la dagaan ah ayaa ka soo dagay , sidaad
ogtihiin waxaa loo gudbiyay Jeelka teer iyo shalay iyo
habeen hore waxaa nagu soo dhacaysay nimanka waa la
dhiibayaa hadda waxaa dhacday nin ka mid ah ayaa la gudbiyay
waxaana loo dhiibay Itoobiya waa loo soo qabtay waa loo
keenay gacantaa loo galiyay ninkaas sidaa ayuu ku tagay …
nimankaa walalaheen ah inagaa dooranay oo maamulka ku
maamuusnay baarlamaan baynu dooranay iyagii ayaa inoo dooray
kan ugu sareeya in kan ugu hooseeya saas ayay u taxan yihiin
dadkey la dhasheen".
Sheekha waxa uu sidoo kale xusay in dadku ay leeyihiin
dhaqan iyo dad wax garad u ah mar walbana loo baahan yahay
in la eego talada iyo hadalada waxgaradka wuxuuna yidhi "dadku
waxay leeyihiin isimo waxay leeyihiin Nabadoono waxay
leeyihiin Samadoono waxay leeyihiin Culimo waxay leeyihiin
Baa’ic mushtar waxay leeyihiin wax wax ku ool ah arintu
haday xuntahay waxaa ka dhiidhiya dadkaa dagaanka ah …dadka
xilku qabanayo oo wanaaga laga rabo oo nabad galyada laga
rabo oo ilaalinta dalkooda iyo dadkooda laga rabo oo
diintooda inay ilaaliyaan laga rabo oo wanaaga laga doonayo
oo magaca inay ilaaliyaan laga doonayo oo inay dhahaan ma
dooneyno wixii khalad ah dadkaan weeye"
Sheekha oo sidoo kale ka hadlaya dadka la dhiibayo iyo
bulshada waxa ay arintaa ka qaban karto ayaa yidhi "ma
waxaynu raali ku noqonay in dadkii la inaku dul dhiibo
raalina ma saas ayaynu uga noqonay waxaynu noqoneynaa
hadaynu saas raali ku noqono oo aynaan hadii iyagii aan talo
ugu gudbin karin hadayna talo ahayn intaas .. waxaa
suurtoobi karta in inta khaladkaa sameyaysay ay yar tahay
waxaan dad weynaha kula talinayaa marka hore diintiina marka
xiga dadnimadiina marka xiga dalkina wanaagiisa idinkaa la
idinka doonayaa".
Si kastaba ha noqotee Dad badan oo jooga Qurbaha iyo Gudaha
ayaa aad uga carooday Falkaan dhacay iyadoo wali aad loo
xasuusto Falkii saddex todobaad ka hor ka dhacay Magaaladda
Gaalkacyo kaasi oo Ciidamadda Itoobiya ay guri ku yaala
Gaalkacyo kagala Bexeen Niman muruqooda Maala oo ka soo
jeeda Beesha Ogaadeen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |