Dr. Xuseen C/laahi Bulhaan oo si diiran loogu soo
dhaweeyay magaaladiisa Boston.
(Boston, Nov
23,
2009 Ceegaag Online)
Xuseen C/laahi Bulhaan oo Dhekhtar caanka
ah Soomaalida dhexdeeda hada ah madaxa Jaamacada Magaalada
Nabada u saaxiibka ah ee Hargaysa ayaa maanta oo uu u yimid
Magaalada Boston saxeexida buug uu qaray oo uu ugu magac
daray Siyaasadii
Qaabiil (Qaabiilba haabiil markuu
qoonsaduu dilay e).
Dhekhtarka ayaa waxa uu maanta kala hadlay dadka
Soomaaliyeed ee reer Boston Masjid jaamaca gobolkan
Massachuset ee ku yaala Xaafada Roxbury oo dadka madow ee
mareekanku u badan yihiin.
Xafladan oo ahayd Buug saxeexid iyo furid wada hadal ka dhex
bilowda dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku dhacday jawi aad
u wanaagsan.
Xaflada waxaa soo qaban qaabiyay madaxa SDC Cabdiraxmaan oo
run ahaantii suuro galiyay mudo gaaban in fursadaa qaliga ah
uu siiyo reer Boston uga faa'ideeyo dhakhtarkoodaa kasoo
laabtay dalkii Hooyo.
Dhagayso Su'ashii macali Warfaa iyo Gabadh Soomaaliyeed oo
su'aalasa Dr. Xuseen. Su'aasha macalinka ayaa ku saabsan
Dagaalada hada ka socda Gobolka Awdal ee uu asal ahaan kasoo
jeedo
Dhagayso
Armaajo oo figradiisa ku aadan Soomaaliya had iyo goor uu
kasoo bandhigo shirarka isagoo tuuranaya 4tiisii xabo
wuxuuna yidhi
Dhagayso
Su'aal ku saabsan Midnimada
Soomaaliya Dr. wuxuu ka yidhi.. waxaan ka cudur
daarananaa cilad farsamo oo ka timid is fahanwaa luqadeed
iyo mid qalab-ba oo aanu idiinka haqab tiri waynay jawiga
Shirka oo ahaa mid aad u camiran ku dhawaad ilaa 150 ilaa
200 oo dad ahina isugu yimaadeen.
Dhagayso
Sidoo kale dhagayso Gabaogabadii shirka
Dhagayso
Daawo Sawiradii shirka ee
Buug saxeexida intoodii u danbeesay
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |