Gudoomiyaha Cusub ee
magaalada Muqdisho oo balan ku maray ladagaalanka
Saboolnimada
(Muqdisho, Nov
06,
2009 Ceegaag Online)
Waxaa maanta lagaga dhawaaqay magaalo
madaxda Muqdisho maamul cusub oo uu yeelanayo gobolka
Banaadir, maamulka Cusub ayaa waxaa madax looga dhigay nin
macalin ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Nuur.
Gudoomiyaha cusub ayaa ah nin aan wax
khibrad ah u lahay maamulka loo dhiibay balse ah nin
mutacalim ah oo laga yaabo inuu ka dabaasha hawsha culus ee
loo caleemo saaray.
Madaxwayne Sheekh Shariif ayaa durdaba
bilaabay meel marinta talooyinkii Jaaliyadaha dibadu ku
akhrinayeen safarkii ugu danbeeyay ee uu ku booqday qaar ka
mida gobolada Maraykanka.
Sidoo kale Gudoomiyaha cusub ayaa la
waydiiyay waxa iyo meesha uu maamulkiisu ku fulindoona
hawsha loo igmaday balse kusoo koobay hadalkiisa waxaan ku
soo koray meel jeebkaaga aad ka soconasid sidaa awgeed
jeebkayaga ayaan ka socon doonaa, hadii EEBE ogolaado.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |