Dood cilmiyeed ku saabsan
Nabadda oo lagu soo Afmeeray Magaaladda Garoowe.
(Garoowe, Nov
05,
2009 Ceegaag Online)
Waxaa
Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka
Puntland
Maanta Dood cilmiyeed loogu soo afmeeray Qaar ka mida
Cuqaasha iyo Nabadoonadda Deegaanadda Puntland,Xarunta
Madaxtooyadda ee Magaaladda Garoowe ayaa lagu soo
Gabagebeeyay Dood cilmiyeedkaan ku saabsanaa Nabadda iyo
Qiimaha ay leedahay,Doodaan waxaa ka qaybgalayay Nabadoonado
Tiradoodu ka badan tahay 80 Nabadoon oo ka soo jeeda
Puntland iyadoona si aada loogu lafa guriyay Muhiimadda ay
Nabadu u leedahay Bulshadda.
Doodan ayaa
Gabagabadeedi lagu Qabtay Madaxtooyadda Garoowe waxaana ka
soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed
Faroole iyo Qaar ka tirsan Golihiisa Xukuumadda,Madaxweyne
Faroole ayaa Nabadoonada ay Doodu u soo dhamaatay u jeediyay
Khudbad Dheer oo ka sheekaynaysa Muhiimada ay Nabadu u
leedahay Bulshada Qeybeheeda kala duwan "Runtii waad
ogtihiin Xukuumadda aan Majaraha uhayaa waxay wadaa Isku
dayo badan oo la xiriira Amaanka.....Anagu waxaan tagnay
Dalal badan oo Dibadda ah sida Maraykanka iyo Ingiriiska
halkaasi waxaan ku arkay Dad badan oo soomaaliyeed ....Dadka
aynu inagu Bahwadaagta isla nahay ha u badnaadeen waa Dad
aqoonyahano ah waxay Dalka ka carareen Wakhtigii Dhibaatadu
dhacday oo Dalka la isku laayay Nabad bayna haystaan...Runtii
ogaada Nabadoonadu waa Halbawlaha Nabadda Marka la eego
soomaaliya oo Soomaalid aad isugu Tixgeliso Oday dhaqameedka".
Sidoo kale
Waxaa isna Halkaasi Hadal Kooban ka jeediyay Wasiirka
Arrimaha Gudaha ee Puntland Gen:C/laahi Axmed
Jaamac(Ilkojiir) iyo Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadda,Si
kastaba ha ahaate Puntland ayaa iyadu Xasiloon wixii ka
dambeeyay 1998dii wakhtigaasi oo Beelaha Bahwadaagta ah ee
Dega Dhulka Go'aansadeen Dhismaha Maamul loo dhanyahay.
Daawo Sawiradda
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |