Madaxweyne Shariif oo
Wadamadda Islaamka ka dalbaday inay ka taageeran La
dagaalanka Burcad badeeda.
(Istanbul, Nov
10,
2009 Ceegaag Online)
Madaxweynaha
DKMG ah ee Soomaaliya Shariif sheikh Axmed ayaa ka qaybgalay
Shir ay isugu Yimaadeen Ururka Shirwaynaha Islaamka ee
OIC(Organization Islamic Confrence) kaasi oo ka Dhacay
Magaaladda Istanbuul ee Cariga Turkiga,Madaxweynaha ayaa
Khudbad uu ka jeediyay Shirka Wadamadda Islaamka ee
Istanbuul aad ugaga Hadlay Dhibaatooyinka Burcad badeedu ku
hayaan Soomaaliya.
Shariif ayaa Dalalka Islaamka ka dalbaday inay gacan ka
siiyaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha burcadbadeeda ah
ee maraakiibta ku afduuba biyaha Somalia, wuxuuna
Madaxweynuhu xusay Dadaalada dowladiisu ku dooneyso inay ugu
dhaqaaqdo dhinaca burcad badeeda.
Si kastaba ha ahaate DKMG ah ee Soomaaliya ayaa Fadhigeedu
yahay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya halkaasi
oo Fadhi u ah waxayna ka talisaa In kooban oo ka tirsan
Magaaladda,Dawladda Soomaaliya ee Shariifku hogaamiyo hadda
Awood buuxda uma laha La dagaalanka Burcad badeeda Maadaama
Kooxo Mintidiin ah Dagaal Islaami ah kala soo horjeedaan
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |