Shariifka iyo Faroolaha
Puntland oo ku kulmay Nairobi.
(Nairobi, Nov
13,
2009 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la
kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh
Maxamed (Faroole) kulankaas oo ay kaga wada hadleen heshiis
dhawaan ay labada maamul kala saxeexdeen.
Kulankan oo
ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxay labada
dhinac isku weydaarsadeen fikrado kala duwan, waxaana
Madaxweyne Faroole uu u gudbiyay in la dhameystiro
Heshiis ay hore labada
dhinac ugu gaareen Magaalada Gaalkacyo, oo uu Dowladda
Federaalka u saxiixay Ra'iisal Wasaare, Sharmaarke.
Madaxweyne Sharfiif ayaa
cadeeyay in Maamulkiisa ay taageero hiil iyo hooba la garab
taaganyihiin Maamul Goboleedka Puntland iyagoo waliba
talaabo ka geysandoona sidii ay wax uga qaban lahaayeen
Burcad Badeeda xarunta ka dhigatay Puntland.
Dhinaca kale
Madaxweyne C/raxmaan
Faroole ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya
in ay isku aragti ka noqon waayeen mashaariicda horumarinta
Puntland iyo in ay ka caga jiideyso dib u heshiinta.
Si kastaba ha
ahaatee Kulankani oo ah mid xasaasi ah ayaa Maamulka
Puntland ku adkeystay inuu u madaxbanaanaado arimihiisa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |