Wasiirka Arrimaha Gudaha
Dowladda KMG ee Soomaliya oosheegay in ay la hadlayaan
ururka Xisbul Islaam
(Muqdisho, Nov
13,
2009 Ceegaag Online)
Wasiirka
Arrimaha Gudaha Dowladda KMG Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa
sheegay in ay wada hadal la galayaan Hogaamiyaha Xisbul
Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys, isagoo nasiib daro ku
tilmaamay in xilligan dagaalo kala horyimaado.
Waxa uu
ugu baaqay Xasan Daahir in uu aqbalo in uu la hadlo
dowlada Soomaaliya si meesha looga saaro xasilooni darida ka
jirta dalka islamarkaan shacabka Soomaliyeed ay u helaan
nabad gelyo taam ah
Wasiirka
ayaa carabka ku dhuftay in ay so toos ah u kulmeen
hogaamiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Markii uu dalka ku so laabtay hasa hatee waxa uu sheegay in
Xasan Daahir uu ka dhago adeegay in dowlada uu raaco ka
dibna uu Soomaliya u horseeday dhibatada iminka jirta.
Waxa uu
ugu baaqay Xasan Daahir in uu aqbalo in uu la hadlo
dowlada Soomaaliya si meesha looga saaro xasilooni darida ka
jirta dalka islamarkaan shacabka Soomaliyeed ay u helaan
nabad gelyo taam ah.
Sheekh
C/qaadir Cali Cumar ayaa sidoo kale sheegay in dad gaar ah
ay diidan yihiin in ay baxaan Ciidamada AMISOM, isagoo
sheegay in warkii Culumaa'udiinka laga hor yimid ee ahaa in
dagaal aan la qaadin mudadii ay qabteen.
Waxaa uu
sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Nabadgelyo looga aslaaxin
lahaa dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay Alle ka
cabsadaan oo ay la yimaadaan Midnimo walaaltinimo ah.
Waa
markii ugu horeeysay ee uu wasiirka Arimaha gudaha dowlada
KMG ah ee Soomaaliya C/qaadir Cali Cumar uu shaaciyo in ay
wada hadal laga layaan ururka Xisbul Islaam tan iyo intii
ay sii lexaadsadeen dagaalada u dhaxeeya xoogaga hubeysan
iyo dowlada KMG ah
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |