Soomaaliya oo ka qaybgashay
Shirwaynaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha COMCEC.
(Istanbul, Nov
09,
2009 Ceegaag Online)
Shirka
saraakiisha sarsare ee wadamada ku bahoobay Ururka İslaamka
oo uu ku xigay shırka wasiirada ganacsiga ee wadamada
islaamka ayaa ka dhacay magaalada İstanbuul maalmihii 5-6 ee
November 09.Shrikaasi ayaa si weyn loogu lafa guray dhaqaala
xumida ka jirta aduunyada iyo arrimo kale oo caalami ah ayaa
loo gudbiyay fadhiga madaxweynayaasha wadamada İslaamka oo
dhici doona maalinta İsniinta ee 9-ka November, shirkaasoo
uu gudoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkey
Cabdullahi Guul.
Maalinta
Axadda ee 8-da November 09 ayaa lagu wadaa in madaxweynaha
Turkey uu ku soo dhoweeyo dalkiisa martida dhigiisa ah ee
madaxweynayaasha wadamada İslaamka, kuwaasoo uu ka mid yahay
madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sharif Shekh Axmed.
Kulanweynaha
ayaa ku soo beegmaya xuska sanad guuradii 25-aad ee guddiga
joogtada ah ee ee dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsiga ugu
qaabilsan ururka islaamka OİC, iyadoo guddigaasi la aasaasay
intuu socday shirweynihii saddexaad ee ururka İslaamka ee
dhacay sanadkii 1981-di kana dhacay Magaalada Makkah ee
Sucuudiga.
Sidaas darteed, iyadoo Shirweynahan uu ahaa shir muhim u ah
dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u matalayay
shirka Wasiirada dhaqaalaha iyo Ganacsiga, wafdi uu
horkacayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane Cabdirashiid
Maxamed Ciro, waxaana wafdigaasi xubno ka ahaa wasiirka
dhaqancelinta Mudane Maxamed Cali İbrahim iyo la taliyaha
wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiraxmaan Warsame Cabdi iyo
Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya u jooga dalka
Turkey Mudane Cabdifataax Warsame Rooti iyo Xasan Maxamed
Cusmaan (Xasan Beat) Xoghayaha Kowaad iyo Farxaan Sheekh
Cabdi Gurxan (Farxaan Diblomaasi) Xoghayaha Labaad ee
Safaaradda Soomaaliya ee Turkey.
Wasiirka
Ganacsiga Mudane Cabdirashiid Ciro ayaa khudbad dheer ka
jeediyay fadhigii Wasiirada ganacsiga ee wadamada İslaamka
isagoo khudbaddiisa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda dalka
Soomaaliya uu maraayo ee dhaqaale, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday
muhimadda nabadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka
Soomaaliya uu u leeyahay dowladaha İslaamka iyo aduunweynaha
oo dhan, isagoo ugu baaqay dowladaha İslaamka in la garab
istaago Shacabka Soomaaliyeed oo la daalaandhacaya dhaqaala
xumida saameysay aduunka, isagoo ugu baaqay in la taageero
Dowladda Soomaaliya si ay ugu guuleysato soo celinta amniga
iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Khudbadda
Wasiirka oo taabaneysay dhinacyo badan ayaa ugu danbeyntii
waxaa uu ugu baaqay wadamada aynu walaalaha nahay ee ku jira
ururka İslaamka in ay gacan ka geystaan maalgelinta iyo
horumarinta dhinacyada wax soo saarka ee dalka Soomaaliya,
isagoo cadeeyay in shacabka Soomaaliya uu soo dhoweynayo wax
wada qabsiga shucuubta İslaamka ee walaalaha ah.
Wafdigaasi
ayaa waxaa ku soo biiri doona wafdi qaran oo uu hogaaminaayo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sharif Shekh Axmed si
uu uga qeybgalo shirka madaxweynayaasha dowladaha Islaamka
ee Maalinta İsniinta furmi doona.Dowladda Soomaaliya ayaa ku
guuleysatay in ay soo celiso xiriirka dowladaha aynu
saaxiibka nahay ee xubnaha ka ah ururka İslaamka,
dowladahaas oo ay ugu horreyso Jamhuuriyadda Turkey oo iyadu
xiriir taariikhi ah la leh Jamhuuriyadda Soomaaliya tan iyo
halgankii Gobanimo doonka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kal hore (18-ka April 09) waxa
uu soo booqday dalka Turkey isaga oo si heer sare ah uu ugu
soo dhoweeyay dhiggiisa madaxweynaha Turkey Mudane
Cabdullahi Guul, iyagoo isla soo qaaday qodobo muhim u ah
labada dowladood iyo iskaashiga danaha faa’iidada u ah
labada shacab.
Tan iyo
markii la furay Safaaradda Soomaaliya ee Turkey bilowgii
sanadka 2008 waxaa la dareemayaa horumar la taaban karo ee
dhinaca xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Turkey ee dhinaca
dhaqaalaha iyo ganacsiga iyadoo dadaal dheer uu u galay U
qeybsanaha ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Turkey Mudane
Cabdi Fataax Warsame Rooti.
Dalka Turkey-ga ayaa ah dal weyn oo leh İstiraatiyad Ganacsi
ee wadamada Europe, Africa iyo Asia, waxaana halkaas ku
xiran ganacsato badan oo Soomaaliya oo la leh xiriiro sugan
oo ganacsi.
Dhanka kale U
qeybsanaha Ganacsiga Mr. Rooti ayaa ugu baaqay ganacsatada
Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira
dalkan isagoo sheegay in uu gacan weyn ka siin doono isku
xirka ganacsatada labada dal iyo fududeynta howlaha
ganacsatada Soomaalida.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |