Saxaafada wadankan Maraykanka
Qaarkeed oo durdaba bilaabay inay fidiyaan dacaayodo raqiisa
oo wax loogu dhimayo Jaaliyada Soomaalida reer Maraykan.
(St. Paul,MN
November 28, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa isbuucii lasoo dhaafay lala
gaafwareegayay ciyaal, ciyaalo suuqiin ah oo soo bandhigay
heerka akhlaaqda ay ka taagan yihiin, ku waa soo aad wax ugu
dhimay amaanka magaalada St. Paul, MN iyagoo ku
gardaroonayay dadka shacabka ah ee kasoo hor baxayay iyada
oo aan wali la hubin in dadkan lagugardaroonayay yihiin kuwo
kula socda arinta ay sameenayeen iyo in kale.
Arinta layaabka leh ee durdaba
soobaxasa ayaa ah in lagu daabaco ama nashaashada layska
arko qaarkeed durdaba arintaa ka dhigeen Soomaali
Islaamiyiin ah oo dadka masiixiga Maraykan daan daan sanaya
si culays loo saaro dadka Soomaaliyeed.
Arintan ayaa kadhigan Allow sahan
amuuraha libaax seexdaybay niman salaaxeene waayo Jaaliyada
Soomaaliyeed ayaana marnaba aqabali doonin in Sumcadooda
sidaa dhulka loogu jiido oo arin la xiriirta Ciyaal, Ciyaalo
suuqeenaya in loo badalo oo si dadban laagu yidhaahdo
shacabka Maraykanka masiixiyiinta ah, ku xad gudba
Soomaalida iyagaa bilaabay xadgudubkee.
Waxaan uga diganaa dhamaan warbaahinta
siiba nashaashada layka arko ee ay ka midka tahay (http://vodpod.com/watch/2564174-somali-muslims)
iyo kuwa lahalmaala, inaysan la heer noqon Radio Free
Rwanda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |