Tababar ugu soo xirmay
Suxufiyiinta Puntland Magaaladda Garoowe.
(Garoowe, Nov
04,
2009 Ceegaag Online)
Waxaa Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka
Puntland Tababar uga Furmay Qaar ka mida Suxufiyiinta ka
hawlgala Idaacadaha,Raadiyayaasha,Televisionadda iyo
Websiteyadda Deegaanadda Puntland,Tababarkaani ayaa waxaa
soo qabanqaabiyay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSUJ
iyadoona uu Tababarkaani ka socday Mudooyinkii ugu Dambeeyay
Xarunta Jaamacadda Puntland ee PSU.
Tababarkaani loogu soo xiray Jaamacadda Puntland ee
PSU(Puntland State University) ayaa waxaa ka qaybgalayay
Suxufiyiin Tiradoodu Gaarayso 27 Saxafi oo ka kala yimid
Goboladda Puntland,Tababarka ayaa waxaa Bixinayay Sharci
yaqaano Saxaafadda Ku xeeldheer iyadoona lagu baranayay
Qodobadda kala ah.
Tayaynta Saxafi waayo aragnimo iyo Khibarad u leh Hawlaha
Warbaahinta, Barashadda Sharciyadda Saxaafadda iyo
Madaxbanaanida Saxafiga.
Daawo
Sawiradda
webmaster@ceegaag.com |