Ururka Dhalinyarada SSC ee
Xagardheere oo doortay gudoomiye, kuxigeen iyo xubna
kale
(Xagardheere, Nov
01,
2009 Ceegaag Online)
Ururka
dhalinyarada Reer SSC ee xagardheer ayaa kulankoodii ugu
dambeeyey lagusoo bandhigay dhammaan xubnaha katirsan ururka
ee xilka loo dhiibay, Shirkan oo kadhacay Hagafe hotel ee
xagardheer ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo door ah oo
khuseeya danta guud ee reer SSC, shirka ayaa waxa uu ku
furmay jawi aad u wanaagsan kaas oo dhammaan kasoo
qaybgalayaashu ay aad ugu maqsuudeen.
Ugu horayntii
waxaa aayadaha quraanka kariimka ah kasoo jeediyey Sheekh C/qani
C/casiis C/raxmaan, kadib aayadaha quraanka kariimka ah ayaa
ka dambaysay muxaadaro aad u qiimo badan oo iyadana halkaas
laga soo jeediyey.
intaas kadib
ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Chairman-ka shirka Mr khadar
Axmed Cabdi, kaas oo kahadlay danta ururka iyo waxyaabaha
looga baahanyahay inay sida ugu dhakhsaha badan u
hirgeliyaan, waxa uu chairman-ku sheegay inay muhiim tahay
isku duubnaanta dhalinyarada beesha SSc ee xagardheer ay
muhiimad gaar ah leedahay waxa uuna dhalinyarada ku
boorriyey inay gacmaha isqabsadaan islamarkaana si wadajir
ah u taageeraan Hogaanka cusub ee beesha SSC..
Intaas kadib
ayaa waxaa si wadajir ah masraxa loogu soo dhaweeyey
guddoomiyaha cusub ee ururka dhalinyarada besha SSC ee
xagardheer Mr. Axmed Cabdi Baaruud, kaas oo dadweynuhuna
inbadan sugayeen guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay
kuna dheeraaday
midaynta dhalinyarada iyo waxa la gudboon ururka uu madaxda
ka yahay isaga oo ballan qaaday inuu xilkiisa uu u gudan
doono habka ugu habboon. waxa kale oo uu intaas ku daray
inay midnimada SSC ay tahay muqadas cidna aan looga
haybaysan doonin sharafta umadda reer SSC.
waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyey kana hadlay madasha G/xigeenka
ururka Mr. cabdirisaaq ismaaciil xirsi (C/risaaq Jaah'adag)
waxa uuna kawarbixiyey inta meelood ee dunida dacaladeeda ah
ee shirkanoo kale ka dhacay lagana asaasay ururka DARWIISH
YOUTH ORGANIZATION SSC. isaga oo sheegay in ururku hadda uu
ka hirgalay wadamo dhowr ah sida wadamada
Italy,
Sweden,
USA,Australia.
iyo wadamo kale oo farabadan oo qurbaha kamid ah oo ay ku
noolyihiin dadweyne reer SSC sidoo kale waxa uu sheegay in
degmooyin badan oo deegaanka SSC ah laga yagleelay ururkan
sida buuhoodle boocame iyo taleex...
Waxaa sidoo kale ka hadlay madasha xoghayaha ururka Mr.
Maxamuud Cabdikariin Xasan (Maxamuud cabdi tuulo) waxa uu
xoghayuhu sheegay in ururka aas aaskiisu ku qaatay wakhti
dheer uuna geed dheer iyo mid gaabanba u saaranyahay danta
iyo midaynta dhalinyarada maadaama ay laf dhabarta bulshadu
ay tahay dhalinyarada.
Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay xubno farabadan oo aynaan
halkan kusoo koobi karin waxaana ka mid ahaa dadkii halkaas
ka hadlay Khasnajiga ururka C/risaaq maxamed Ismail Jiir (Laaska)
kaas oo sheegay islamarkaana ballanqaaday in dantiisa gaarka
ah uu ka hormarinayo danta bulshada reer SSC, sidoo kale
waxaa halkaas ka hadlay xeer ilaaliyaha ururka, afhayeenka
ururka iyo xubno kale oo aad u farabadan...
Liiska magacyada Ururka darwiish youth organization ssc.
1.Guddoomiyaha Axmed cabdi baaruud
2.G/xigeenka Cabdirisaaq ismaaciil (cabdirisaaq jaah'adag)
3.Xoghayaha ururka Maxamuud cabdi tuulo
4.Xeer ilaaliyaha garaad maxamed cumar
5.Khasnajiga C/risaaq maxamed ismaaciil jiir (laaska)
6.Afhayeenka ururka C/mahad Ishaad
7.Xiriiriyaha ururka Mowliid dhoolayare
Daawo Sawiradda
ABDIRISAK
MOHAMED ISMAIL JIIR (laaska)
webmaster@ceegaag.com |