Shabakada Wararka ee
Ceegaag.com oo Raaligalin ka bixineysa war kusoo baxay
mareegtan.
(Buuhoodle, Oct
27,
2009 Ceegaag Online)
Shabakadda wararka ee Ceegaag Online waxay ka
cudurdaaranaysaa war ku soo baxay shabakadda bishii
September 13kii,2009 kaas oo ku saabsanaa odayaal lagu soo
eedeeyay in ay wax ka dileen labada marxuum ee kala ah (Maxamed
Cabdi-giir Dabagooye iyo Cabdifataax Maxamed Dabagooye) oo
lagu dilay tuulada Sararawayne ee degaanka Buuhoodle isla
bishaas September 12, 2009, balse warkaasi noqday mid “qayooday.”
Ka dib
baadhitaan dheer oo ay si wadajir ah u sameeyeen qaar ka mid
ah labada ardaa ee dhibku kala gaadhay , maxkamadda degmada
Buuhoodle iyo hawlwadeennada shabakadda Ceegaag Online
waxaa adkaatay in odayaasha hoos ku qoran lagu caddeeyo in
ay ka qaybqaateen dilkii ka dhacay Sararawayne. Odayaashaasi
waxay kala yihiin
1. Aadan Xaaji Jaamac
Gadhwayne (Aadan Toohe)
2. Muuse Aadan Carab
3. Cabdi Faarax
Gucuri ( Cabdi illow) iyo
4.Faarax Xasan Jaahay
(hagoogane)
Haddaba waxaa maamulka Ceegaag Online ka raalligalinayaan
warkaas lagu daabacay shabakadda , dhammaan odayaashaas kor
ku xusan,qoysaska ay ka soo jeedaan iyo dhammaan
akhristayaasha mareegta Ceegaag oo looga bartay in ay
baahiso warar xaqiiqo ah. Waxaa xusid mudan in inta badan
ay dhacdo in shakhsi lagu soo oogo faldanbiyeed aanu
galin , balse haddii danbigaasi ku caddaanwaayo uu noqodo
shakhsigaasi “danbilaawe” xaqna u yeelanayo in raalligalin
buuxda la siiyo.
Waxaa
xusid mudan in shabakadda Ceegaag ay horay ula soo
xidhiidheen qaar ka mid ah ehellada ay ka soo jeedaan
odayaasha kor ku xusan codsadayna in warkaas baadhitaan
loogu sameeyo. Haddaba waxaa shabakada Ceegaag horay ugu
ballanqaadday qoysaska lagu soo oogay in ay ka qaybqateen
dilkaas in ay warkaas xaqiiqadiisa si caddaalad ah u soo
baadhayaan
Sidaas
darteed, waxaan akhristayaasha shabakadda u sheegaynaa in
odayaashaas kor ku xusan danbigaas lagu soo oogay ay ka
yihiin “xalay-dhalay” iyadoo shabakadda Ceegaag ku
salaysay raalligalinteeda ka dib markii la soo afjaray
maxkamaddii u socotay labada ardaa ee dhibku kala gaadhay
laguna kala saaray shareecada diinta Islaamka toddobaakii
ina soo dhaafay.
Waxaa
xusid mudan in aan maxkamaddaasi intii ay socotay marna
lagu soo qaadin dacwad ka dhan ah odayaashaas kor ku xusan
oo ay soo gudbiyeen ardaagii dhibku gaadhay, iyadoo taasi
makhraati u tahay in ay ku qanacsanyihiin in labadaas
marxuumba uu dilay marxuum Goofadhe Cumar Xaaji Maxamuud
oo lagu fuliyay qisaas loo maray shareecada Islaamka
bishii September 19, 2009.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |