Dagaalo u dhexeeya xoogaga
Islaamiyiinta oo ka Qarxay Magaaladda Dekeda ah ee Kismaayo.
(Kismaayo,
October 01, 2009 Ceegaag Online)
Saaka
waaberigi hore ayaa waxaa Dagaal aad u kharaar oo u dhexeeya
xoogaga Islaamiyiinta ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam ka
qarxay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose
Koonfurta Fog ee Somalia, Dagaalkani ayaa saaka la sheegay
inuu ka bilawday Xaafadda Calanley oo ku taala Bartamaha
Magaaladda Kismaayo waxaana uu markii Dambe ku fiday Dhanka
Bariga gaar ahaan Meesha loo yaqaano Qudbiga halkaasi oo uu
Dagaalka xoogiisu ka Dhacay iyadoo ayna Qudbiga Fariisin ku
leeyihiin Ciidamadda Xizbul Islaam gaar ahaan kuwa ka amar
qaata Sheekh Xasan Turki.
Dagaalkani saaka dhacay ayaa ku soo aadaya xili Maalmihi ugu
Dambeeyay Magaaladda Kismaayo laga Dareemayay Dhaqdhaqaaq
Ciidan oo aad u baaxad weyn kaasi oo ay si wadajir ah u
wadeen Dhinacyada isku haya Maamulka Kismaayo, Dagaalka lama
oga ilaa hadda Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Balse Goob
joogaayaal ku sugan Kismaayo oo aan khadka Tellka kula
xiriirnay ayaa noo sheegay oo kaliya inay Maqlayaan Jugta
Rasaasta Culculus ee ay iswaydaarsanayaan Dhinacyada ay
Dirirtu Dhexmarayso.
Maxaa Qarxiyay Dagaalka?.
Dagaalka xiligaani kuma Cusba Magaaladda Kismaayo oo
lagu sheego inay tahay Meel ku taala Dhul caro san oo
khayraad badani ka soo xeroodo, Dad badani waxay
aaminsanyihiin in Magaaladdu tahay Meel aan laga samri karin
Maamulkeeda Marka loo eego Istiraatiijiyada, Magaaladda
waxaa ku abtirsada Qabaa'ilo badan oo somali ah inkastoo
Marka la eego ragii ka soo talinayay Magaaladda Kismaayo
ahaayeen Hogaamiyayaal Dagaal oo u kala dhashay Qabaa'ilo
kala duwan Tusaale Gen. Maxamed Siciid xirsi (Morgan)
Wuxuu ka arriminjiray Magaaladda Kismaayo Muddo ka badan
5-sano isagoo markaasi u arkayay inuu Difaacayo Beesha
Harti oo qeyb ahaan Degan Magaaladda, Morgan waxaa uu
Maamulki Kismaayo Taageero uga heli jiray C/laahi Yuusuf
Axmed oo wakhtigaasi ka arriminayay Maamul Goboleedka
Puntland.
Awoodi Morgan ku lahaa Kismaayo Dad badani waxay u arkayeen
in lagu Dulminayo Beelo kale oo magaaladda iyana Degan
inkastoo Beesha uu Moorgan Matalayay Magaaladda Qeyb ahaan u
badantahay,Si kastaba ha ahaate Magaaladda Kismaayo waa laga
faramaroojiyay Gen. Morgan waxaana Qabsaday Beesha Sade oo
uu horkacayay Col. Barre aadan shire (Barre hiiraale) isagoo
ku doodayay inuu samaynayo Isbahaysiga Dooxada jubba oo uu
ku midaynayo Beelaha Gedo,Jubooyinka iyo Galguduud inkastoo
uu burburay Hamigi Barre aadan shire ( hiiraale) waxaa
Majaharaha siyaasadda Goboladda Jubooyinka soo fuulay Sheekh
Xasan Turki oo ilaa 1991 ku sugnaa Xadka u dhexeeya Kenya
iyo Somalia ciidamo badana ku haystay.
Xasan Turki wuxuu dagaalka kismaayo ka soo galay xagasha
Diinta islaamka isagoo isu arkayay in haysashada Kismaayo
tahay Salaan ama jaranjaro uu uga dusi karo Awooda Kismaayo
balse Xasan Turki ayaa Laabkacay markii Damaci Kismaayo ay
usoo hanqaltaageen Kooxda mayalka adag ee Al-shabaab oo
iyana u arkaysa in Kismaayo tahay Meel Istaraatiiji ah oo ay
kaga dhuumanayan Cadawgooda amaseba wado ay uga gudbi karaan
Hawdka Raasakaambooni hadiiba laga awood badato oo
Maraykanku Duqayn u gaysto.
Maxaa Dedejiyay Dagaalka Kismaayo?.
Masuuliyiinta Islaamiyiinta kala maamusha Magaaladda
Kismaayo ayaa dhawrki todobaad ee ugu dambaysay saxaafadda
iska dhaafsanayay Hadalo aad u kulkulul taasi oo iyana qeyb
ka noqon karta Dagaal markale ka dhex abuurma Al-shabaab iyo
Hizbul Islaam. Dagaalka Kismaayo ayaa soo shaacbaxay markii
Alshabaab sheegeen inay ka arrimiyaan Kismaayo isla
markaasna Maamul iyaga hoos taga uu Magaaladda ka jiro.
Halkan ka dhageyso Sheekh xasan yacquub
cali oo ku
baaqaya Difaaca Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo
:-
Abdirashid Mohamed Daahir-
Ceegaag Online
webmaster@ceegaag.com |