Adeegyadda Caafimaad ee
Cusbitaalka Magaaladda Qardho + Sawiro.
(Qardho Oct
03,
2009 Ceegaag Online)
Qardho
General
Hospital waa Cusbitaalka guud ee Magaaladda
Qardho xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland waxaana
Cusbitaalka hawshiisu u socotaa si dardar leh iyadoona ay ka
hawgalaan Takhaatiir ajaanib ah kuwaasi oo Qeyb ahaan
Bulshada reer Qardhood Adeegyo fiican oo aasaasi ah u
haya,Cusbitaalka ayaa sidoo kale waxaa uu ku shaqeeya Qalab
casri ah iyadoona Cusbitaalka laga heli
karo,Raajooyinka,Computerska Caafimaadka,Laboratory shaybaar
casri ah ,Shaqaalaha ka hawlgala Cusbitaalka qardho tiro
ahaan waxaa ay gaarayaan 80 shaqaale ah.
Agaasimaha
Cusbitaalka Magaaladd Qardho Mudane:Nuur Maxamed Nuur ayaa
noo sheegay in xiligani Cusbitaalku yahay mid hawshiisa si
caadi u wata ayna ka maamul ahaan ku dadaaleen sidii loo
keeni lahaa Takhaatiir khibrad durugsan leh oo ka hawgala
Cusbitaalka isagoona xusay in Cusbitaalku iminka ku shaqeeyo
qalab casri ah , Nuur ayaa sidoo kale sheegay in xiriir
wadashaqayn oo balaaran ay la leeyihiin Wasaaradda
Caafimaadka ee Dowladda Puntland.
Sidoo kale
waxaan halkaasi kula kulmay Dr:Abdimawla maxamed Taha oo ah
Takhtar masaari ah waana Surgeant Speciallist
Takhtarka qaliinka ugu horayntiina wuxuu iiga waramay sida
uu Hawshiisa shaqo u wato iyo Adeegyada Caafimaad ee
Cusbitaalka Marka loo eego hawsha Qaliinka ee uu isagu qabto
wuxuuna iigu jawaabay "Anigoo ah Dr:Abdil mawla Takhtar
qaliinka ah oo ka hawgala Cusbitaalka guud ee Magaaladda
Qardho waxaan ka imid Masar anigoo somalia joogay 6
Sano,5ano waxaan joogay Magaaladda Bosaso oo ay hawshaydu ku
xirnayd Qardhona hadda sanad baan ka shaqaynayaa runtii
Hawshayda qaliinka waa mid aad u taxadar badan marka la eego
Badbaadada Qofka runtii marar badan ayaa waxaa dhacda inaan
l kulmo dad badan oo Degdega ah ama Amergency habeen iyo
maalinba waan shaqeeya xaaladaha caadiga ah ee Amergencyga
waan ka gaashamana si aan u hubino xaalada Dhabta ah ee
caafimaad ee Shakhsiga aan daaweynayno".
Waxaa
cusbitaalka jiifay sida idiin muuqata Dad badan oo Bukaan ah
kuwaasi oo ay hayaan cuduro kala duwan waxaana Dadkaasi
adeegooda Caafimaad gacanta si dhab ah ugu haya Cusbitaalka
Guud ee Magaaladda Qardho(Qardho General Hospital) sidoo
kalena waxaa jirta Qeybta TB Centerka Cusbitaalka anigoo
gudaha usii galay ayaa Qeybtaasi ahayd qayb aad u qalabaysan
oo leh Farmashigi iyo
Laboratory Dadka
lagaga Qaado candhuufta hadaba si aan xog u ogaado waxaan la
kulmay Dr:Cusmaan xuseen cali ah oo ah Madaxa TBda ee
Cusbitaalka Qardhood wuxuuna iiga waramay ugu horayntii
Adeegyadda Caafimaad ee Xaruntoodu qabato"Qardho TB Center
waxaa la furay 24/Maarso/2009 waxaana furay Wasiirka
Caafimaadka Dr:Biixi iyadoona ay ka qaybqaateen Hay'adaha
Merlin,World Vision iyo WHO iyadoona ay xaruntaan ka
kaalmeyan Daawada Merlin oo Implementation ka ah xaruntaan
waxa ka shaqeeya 9 Qof xaruntaani ilaa hadda waxay gacanta
ku haysaa 75 qof oo ay subax kasta Daawo siiso" ayaa uu yiri
Dr:Cusmaan Xuseen cali.
Daawo Sawirada
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |