Hashii Caanaha badnayd
Boos, oo aan dhaqalaynta haysan, maka warhaysaa waxay
kusugantahay? Maqaal.
(Boosaaso Oct
10,
2009 Ceegaag Online)
Boosaaso waa magaalo Horumar wayna ku talaabsatay 20kii sano
ee ugu Dambeeyay, hadana horumarkeedana wax weyn ayaa wali
ka dhiman marka la fiiriyo dhanka wadooyinka, iyado
Magaaladu wadooyinku ku yaryihiin, isla markaasna kuwa
faraku tiris ah ay yihiin ciriiri, halka kuwa kalena ay sii
xirmayaan.
Magaaladda Boosaaso waxay ku taala dekeda ugu dhaqdhaaqa
Ganacsi badan somalia isla markaasna ah halbawlaha
dhaqaalaha Puntland,inkastoo Boosaaso Puntland u tahay
xarunta Ganacisga Puntland hadana waxay noqotay xarunta
ganacsiga soomaaliya.
Waxaa ku xiran soomaali oo dhan qiyaastii 500 oo baabuur oo
ah nooca waaweyn ee xamuulka qaada ayaa ka baxa magaaladda
Boosaaso maalin kasta, iyagoo u jihaysanaya Gobolada
koonfurta,Bartamaha, Wqooyiga iyo Kililka shanaad ee
Itoobiya iyadoo dhaqaalaha cashuur ahaan ugu soo xerooda
Puntland 85% ay ka soo xerooto Dekeda Magaaladda boosaaso ee
xarunta Gobolka Bari.
Puntland ayaa dhisnayd in ka badan 10 sano waxaana
tobankaasi sano Boosaaso ahayd hal irmaan oo cid kasta
dheeqday "Hase yeeshe sidaad u dhiiqday laguuma
dhaqaalayn" Magaca Boosaaso waxaa la sheega inuu ka soo
jeedo hal Boos la dhihi jiray oo joogi jirtay Magaaladda
Boosaaso hashaasina waxay noqotay mid caano badan oo
Soomaali oo dhan deeqday waxaana caaneheedii looga soo
gudbay caaneheedi wakhtiyo badan oo aad u adkaa kuwaasi oo
soo maray soomaaliya,hadana hashii ayaa hadashay waxay
tiri"Ma haysto meel aan maro,Ma haysto meel aan
daaqo,Mahaysto meel aan ku galgasho,dhulkii oo dhan waa la
sheegtay nolosheeduna halis ayay ku jirtaa Gar gaar yaan u
baahnahay, Maamul iyo shacaba gacmaha aynu is qabano oo
hasha wadooyinka aan u furno si ay qararkaas u soo daaqdo.
Baahida Boosaaso Maanta maxaa ugu wayn?.
Runtii baahida maanta Boosaaso ka jirta waa habayn iyo
Qaabayn lagu sameeyo magaaladda,iyadoo wadooyinka xiran ee
magaaladana la furo sida tan ka tagta suuqa caanaha oo
dekeda aada iyo dhulka banaan ee Magaaladda ku xeeran oo
wadooyin loo sameeyo Magaaladda oo boosaaso oo ah magaalo
baaxad wayn oo dadka iyo baabuurtu ku badanyihiin hadana
Magaalada intaa le'eg waxaa gasha kana soo baxda halwado
taaso dadka iyo Gadiidkaba ay ku yaabanyihiin.
Waxaa xiligaan aad loogu baahanyahay in 2 wado si degdeg ah
loo sameeyo mida hore oo ka leexanaysa Buurcad laamiga iyado
aadaysa Bariga Boosaaso siina maraysa Madaxtooyadda una
gudbaysa Maxjarka xoolaha iyo Dekeda,Tan labaad waxay ka
leexanaysaa isla Burcad waxayna Magaaladda ka maraysaa kor
waxaana ay ka sii maraysaa aaga International Hotel.
Waxaa la is waydiin karaa yay hawshu u taala?.
Waa arrin iskaashi balaaran u baahan dhan dawladeed iyo dhan
shacab bah shaki kuma jiro hadii uu maamulka bilaabo in ay
shacabkuna ay qaybtooda ka qaadan doonaan,Waxaa xusid mudan
in madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole dhawaantan soo
hadalqaaday wadooyin laga samaynayo Magaaladda Boosaaso
isagoo ku amray Dawlada hoose ee boosaaso inay ka shaqeeyaan
Bilicda Magaaladda,waa arrin lagu farxo haddii Maamulka
Faroole uu wax ka qabto Naqshadaynta iyo Qaabaynta Qaab
dhismeedka Boosaso waa mid taariikhda u galaysa.
Bogcado Kumanaan kun oo dollar iyo saro dhaadheer oo marmar
lagu dahaaray micno badan ma leh hadaysan helin wadooyin
boosaaso waa meel halka mitir oo dhulka ah uu ka qiimo
badanyahay wadada marka la eego siday Aaamisanyihiin dad
badan oo reer Boosaaso ah magaaladda Boosaaso waa magaalo si
baaxadweyn ku socota waxaa jira dhulbadan oo banaan oo
sanooyin ka dib dhismaya dhulkaasi waa bariga Koonfurta iyo
Galbeedka boosaaso hadana waa bogcado oo qaabayn iyo
wadooyin ayaa loo samayn karaa.
Boosaaso iyo Garowe kala duwan.
Inkastoo boosaaso ka wayn tahay Magaalada Caasimadda ah ee
Garoowe hadana Garoowe waa ka wadooyin fiicantahay Boosaaso
waxaana arrintaasi amaanteeda leh shacabka Reer Garowe oo
si wayn u fahansan muhiimadda wadooyinka iyo waliba
Maamuladi kala duwana ee soo maray Degmadda Garoowe ama
Dawladda Hoose.
Runtii waa meel wadooyinka laga qiimeeyo hadana waxay heshay
hogaamiyayaal Diyaar u ah in ay hagaajiyaan bilicda
Magaaladooda iyo wadashaqayn shacabka ah taasoo Boosaaso
aanay marna helin.
Intii sanadka ahayd waxaa Garowe laga sameeyay Wadooyin
badan oo ay ka mid yihin Jidka islaan Maxamed loogu
magacdaray iyo wadada isku xirta Xaafadaha Dowladaha
Puntland iyo Magaaladda garoowe inteeda kale halka
boosaasona ay sii xirmayayaan wadooyinkii faro ku tiriska
ahaaa ee ay lahayd amgaaladaasi.
Garoowe wadooyin dhaadheer ayaa ay leedahay hadana waxaad ku
arki kartaa in aysan wadooyinka dhiraysnay, oo hadii
wadooyinka dhaadheer iyo dhir is raacilahayeen waxay kor u
qaadilahaayeyn bilicda magaalaga,dhiraynta wadooyinku waxay
ka qayb qaadataa bilicda Maaaladda waxayna ka hortagtaa
Qoraxda iyo Dabaysha,waxaa xusid mudan intaa garowe marayey
in aan ku arkay Geed aan la yaabay waa geed yar oo aan har
fiican lahayn, hadana dad badan oo isugu jira siyaasiin iyo
aqoonyahano ayaa harsanaya Qoraxdana si fiican uga
celinmaayo Geedkaasu wuxuu ku yaala Laamiga dhanka shishe
Magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland sida Gaalkacyo iyo
Qardho waa kuwo la mida Boosaaso dhanka wadooyinka iyagana
waxay u baahanyihiin in wax laga qabto.
by: Xaamid C/laahi Xaaji
wadani30@gmail.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |