Sharxaad cilmi
ku dhisan oo ku saabsan sababta keenta dhul go'a
dhalaamacune
(Dhalaamacune, Oct
22,
2009 Ceegaag Online)
Dhul go'a ka dhacay dhalaamacune
ma aha wax ku cusub dunida, balse waa arin had iyo goor ka
dhacda dhulka oo la xidhiidhta dabeecada.
Hadaba si aan u hubiyo in ay tahay
sida aan u maleenayay ayaan waxaan warqad u qoray nin aan
saaxiibo nahay wadana shaqayno oo isgagu ku takhasusay
dabeecada dhulka iyo deegaanada oo la yidhaah do Rex Radloff
.
Sharaxaada oo aad u yar ayay waxa
ay tahay sidatan, dhulka waxaa ka jiray abaar taasoo
waxyeeshay dahaar rabaani ah oo dhulka baliyada noqdaa
leeyihiin kana samaysanta dhooqada nooceeda aadka u yar yar
kuna samaysanta meelaha ay biyuhu dhulka hoostiisa uga
dusaan xagiisa sare.
Akhristoow dahaarkaa ayaa dabcay
dhulka oo aad u ooman oo biyihii dhulka hoosane aad u
fogaadeen ayaa dabaca ku yimid meeshaa yar oo tuubo rabaani
ah ah. biyihii ku sii daysay dhulka sidii tuumbo meel ka
dilaacday oo kale.
dhulka intiisa roobku ku da'ay ee
qoyday meeshu way ka hoosay saa dhulku waa ooman yahay oo
aad ayuu biyaha u liqaa taa waxaa u sii dheer sawirada siiba
kan cajalada ayaa muujinaya ciida noocaa oo kale ah inay
dhibic biyo ahi korkeeda ku hakaneen.
Ilaa laga gaadhayo biyaha dhulka
ee hoose ama roobab badan oo dhulka dhargiya ka da ayaan,
ciida sare ee roobku qooyayna qoyan tahay dhul go'u ma
istaagayo.
Tusaale ahaan iyama ayaad
culustahay marka aad biyaha ku dhexjirto iyo marka aad
dibada taagan tahay ciidii hoose ayaa mushanowday haynna
kari la' culayskii ay awal haysay markii ay qalalnayd waa
ciida hoose e markaasaa ciida inta sarena ku dumasaa inta
hoose.
Figure 1: Baliga
markii uu buuxay ee ayna tuumbo dhuleedku dabcin biyahana
sii dayn.
Figure 2: Baligu
markii uu biyaha dhulka hoostiisa ku sii daayay.
Eng. Xuseen Fiin
Boston, USA
webmaster@ceegaag.com |