Ciidamada Sirdoonka dalka
Itoobiya oo haatan ku hungoobay reer Puntland
(Gaalkacayo Oct
09,
2009 Ceegaag Online)
Habeenkii Arbacada ee lasoo dhaafay bishuna ahayd Oct 07,
2009 ayaa ciidamada sirdoonka ee dawlada Itoobiya kusoo
qaadeen weerar magaalada Gaalkacayo oo iyadu iska
ilaalinasay dhica Muqdisho iyo Kooxa is qarxiya ee Al-shabaab.
Weerarkan ayaa lagu qafaashay nin Soomaali ah halka ninna
lagu gawracay mid kalena lagu dhaawacay, ragan ayaa gidigood
ahaa rag Soomaali ah iyaga oo si badheedha loogusoo weeraray
magaaladoodii iyo guryahoodii.
Dhinaca kale dawlad goboleedka Puntland ayaa iyadu ka
leexatay wadadii hore ee ay madaxa ugu salaaxi jireen
dawlada Itoobiya oo had iyo goor fara Ba'an ku haysa
shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka iyo Bariga
Soomaaliyaba.
Wasiirka Arimaha amaanka ee maamul goboleedka Puntland
C/llahi
Siciid Samatar ayaa arintaa ku tilmaamay markii ugu horeesay
xadgudub lagula kacay shacabka Soomaaliyeed ilaa intii la
yagleelay Maamulka sanadkii 1998 dii.
Xamaasada shacabka reer Puntland ayaa marasa meeshii ugu
saraysay taasoo ku kaliftay in maamulku si toos ah
idaacadaha uga weeraro dawlada itoobiya iyaga oo ku
dhaleeceenaya hawlo ay hore ugu barteen sirdoonka Itoobiya
inay ka fuliyaa gudaha Soomaaliya siiba Deegaanada hoostaga
Maamulka Puntland.
Waxaa
haatan la dhawrayaa Jawaabta ka timaada taliska ay
horboodayaan Qawmiyada Tigreegu ee haatan ka arimaianaya
deegaano ka mida Abasiiniya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |