Garaadka
Garaadada Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad
Jaamac oo daahaka rogay ujoodooyinkii shirkii Nayroobi ee
beesha Dhulbahante
(Nayroobi, Oct
16,
2009 Ceegaag Online)
Garaadka oo ay caro hadalkiisa ka
muuqato, waxaa uu BBC u warramay ka dib markii la soo geba
gebeeyay shir beeleed ka dhacay magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay in Laas Caanood iyo
Buuhoodle ay tahay in ay ka baxaan ciidammada Somaliland,
haddii ay taasi dhici weydana ay Somaliland mas'uul ka
noqoneyso wixii dhaca.
Garaad Jaamac wuxuu ku tilmaamay in
arrintu aanay ahayn qabyaalad la isku hayo, ee ay isaga iyo
dadka uu Garaadka u yahayba ay ka soo horjeedaan kala
go'idda Soomaaliya.
Dhinaca kale BBC da oo hawsheeda
caadada u ahayd (dibindaabyada iyo isku dirka shacabka
Soomaaliyeed) sii wadata ayaa waraysatay
Baashe Maxamed, oo ah Guddoomiye ku
xigeenka Golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa ku gacan
seyray hadalka Garaadka.
Waxaa uu ku tilmaamay in Garaadku uu
yahay isaga Garaadkiisii laakiin luqaddiisa ayuu duray.
Wuxuu ku tilmaamay in aanuu Hargeysa u
shaqo tegin ee Hargeysa ay tahay dalkiisii.
Xigasho:BBC
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |