Madaxweyne
Shariif oo Shir jaraa'id ku Qabtay Magaaladda Muqdisho.
(Muqdisho, Oct
19,
2009 Ceegaag Online)
Halkaan ka Dhagayso Codka
Madaxweyne Sharif:-
Madaxweynaha
DKMG ah ee Somalia Sharif sheikh Axmed ayaa Maanta Shir
jaraa'id ku Qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa
Somalia,Shirka Jaraa'id ayaa Madaxweyne sharif kaga Waramay
Arrimo dhawr ah oo la xiriira Safaradi uu Dalka uga Maqnaa
Mudadi Dhawrka Asbuuc ahaa isagoo Sheegay inuu Safarkiisu
ka bilawday Magaaladda Jida ee Dalka Sucuudiga isla
markaasna uu ku soo Gabagaboobay Dalka Maraykanka,Sharif
ayaa sidoo kale Carabka ku dhuftay inuu Kulamo la soo
yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cariga Maraykanka.
Madaxweyne
Sharif ayaa sheegay inuu la soo kulmay Madaxda dalalkii uu
booqday islamarkaana ay si weyn isuu afgarteen arrimihii ay
ka wada
hadleen hadana Madaxweynaha ayaa soo hadal Qaaday Dagaalkii
ka dhacay magaalada Kismaayo ee u dhexeeyey Al-shabaab iyo
Xizbul Islaam, isagoona sheegay in dagaal kasta oo ka dhex
dhaca dad muslim ah ay ka horjeedaan.
Si kastaba ha
ahaate Madaxweynaha ayaa ka hadlay Arrimo la xiriira Burcad
badeeda,Dhalinyaradda ka yimaada Maraykanka ee isku qarxiya
Somalia,Fakhriga iyo Gaajadda,Dagaaladda iyo Nabadgelyadda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |