Dawladda Congo
oo xukun dil ah ku xukuntay Ajaanib u dhashay Norwey.
(Congo,
September 09, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa Maalinimadi shalay
ahayd bilaabatay Maxkamadaynta Tjostolv Moland iyo Joshua
French oo ah labba nin oo ah Muwaadiniin u dhashay Dalka
Norwey waxaana Maxkamadayntu uga bilaabay shalay Magaaladda
ku taala waqooyi bari Congo ee Kisanghani iyadoo lagu soo
eedeyay labadani nin Falal dilal iyo Basaasnimo isugu jira.
Maanta oo arbaco ah ayaa
Maxkamadda Militaryga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee
Magaaladda Kisanghani soo saartay Go'aanka xukunka
Maxkamadaynta Labadaasi nin waxaana Labada nin ee Tjostolv
Moland iyo Joshua French lagu xukumay Dil iyadoo sidoo kale
taasi ay sii dheertahay in Dawladda
Norway bixiso Lacag
magdhaw ah oo gaaraysa (60Million) oo dollar.
Joshua French Da'diisu
waa 27, Tjostolv Moland isna Da'diisu 28 waxaana la qabtay
Bishii May sanadkan 2009 markii ay dileen Darawalkoodi oo u
dhashay
Kongo oo maydkiisa laga helay Waqooyi bari
Congo iyadoo waliba Dawladda Congo ku eedaysay Nimankaani
inay Hub sharci daro ah wateen
ayna Dalkooda ka
geleen Dambiyo isugu jira, Dhac iyo Kufsi.
Ha yeeshe Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Norway Jonas Gahr Stoere ayaa sheegay
inay Dawladda Norway Dadaal dheer u gali doonto sidii lagu
sii dayn lahaa Labadaasi nin oo ay uga badbaadin lahaayen
Xukunka Dilka ah ee maxkamadda Military ee Kongo ku riday
Maanta oo Arbaco ah isagoo intaasi ku daray inay Ragaasi
masuuliyad ka saarantahay Xukuumadda Kongo ayna macquul
tahay inay Racfaan ka qaataan.
Sidoo kale Wasiirka
Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo
Alexis
Thambwe Mwamba ayaa sheegay isna in ay
qaabilayaan Wadahadalka Dawladda Norway balse ay cadaynayaan
in labadan Nin yihiin Dambiilayaal.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |